Wednesday, October 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Deni oo Guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirada Puntland

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Deni oo Guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirada Puntland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada, waxaana ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka maamul Goboleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

 

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Shirka Golaha Wasiirada ayaa todobaadkan looga hadlay Amniga, soo gudbinta degmooyinka ay ka dhacayso Doorashada Hal qof iyo Hal cod ee Goleyaasha deegaanka degmooyinka Puntland, Ansixinta Wax ka bedelka Xeerka howlgabka iyo liiltirka Shaqaalaha Rayidka ah, Tababarada Shaqaalaha maamulka, xaaladaha Roobabka Dalka ka curtay iyo qodobo kale.

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Puntland Mudane Cabdi Faarax Juxa, ayaa Golaha Wasiirada la wadaagay soojeedinta Degmooyinka laga qabanayo wejiga labaad ee Doorashada Hal qof iyo Hal cod ee Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.

 

Wasaaradda ayaa soo gudbisay 9-ka Gobol ee Puntland iyo degmooyinka laga qabanayo Doorashada iyadoo wadarta degmooyinku ay yihiin 37degmo oo isugu jira Heerarka (A, B iyo C) kuwaasi oo buuxiyey shuruudaha iyo habraaca xulashada degmooyinka Doorashadu ka dhacayso.

 

 

Soojeedinta degmooyinka Doorashadu ka dhacayso iyo soodimaha degmooyinka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa Goluhu isla qaatay in loo gudbiyo Guddiga KMG Ah ee Doorashooyinka Puntland TPEC.

 

Kulanka Golaha Wasiirada waxaa maanta lagu ansixiyey Wax ka bedelka Xeerka howlgabka iyo liiltirka Shaqaalaha Rayidka ah oo ay Golaha usoo gudbisay Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa boggaadiyay muhiimada Xeerkan wuxuuna Sidoo kale Golaha faray in Wasaaraduhu si weyn uga faa’ideystaan Tababarada Shaqaalaha Dowladda oo hadda ka socda Machadka Tababarada Shaqaalaha Dowladda xaruntiisa Garoowe.

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shirka golaha Wasiirada “SAWIRRO”

Next Post

Deeq Raashin Ah Oo La Gaarsiiyay Qoysas Ku Nool Deegaanka Gubadleey

Next Post
Deeq Raashin Ah Oo La Gaarsiiyay Qoysas Ku Nool Deegaanka Gubadleey

Deeq Raashin Ah Oo La Gaarsiiyay Qoysas Ku Nool Deegaanka Gubadleey

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In