Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DEG DEG: John Kerry oo soo gabagabeeyey socdaalkiisii Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
DEG DEG: John Kerry oo soo gabagabeeyey socdaalkiisii Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka taageerayaan arrimaha ammaanka, siyaasadda, bani’aadamnimada iyo dhismaha ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya.

Shir jaraa’id oo uu xoghayuhu ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay in dowladdiisu ay aad u soo dhaweyneyso horumarka ay dowladda Soomaaliya sameyneyso iyo guulaha laga gaaraya arrimaha ammanka.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Wuxuu sheegay in wada-shaqeynta dowladda dhexe iyo maamullada gobollada u dhaxeeya uu yahay mid dhiirri galin leh oo suurta galin kara horumarka uu hiigsanayo waddanku.

Sidoo kale waxuu soo dhaweeyay go’aanka dowladda Soomaaliya ee ah in doorasho ay waddanka ka dhacdo 2016-ka, iyo waliba dadaallada socda ee arrintaas lagu gaaranayo, isagoo ku boorriyay dowladda in la dhaqsi loo dhammaystiro waxyaabaha lagama maarmaanka u ah dhammaystirka hiigsiga 2016-ka.

Dhinaca kale John Kerry ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka taageerayaan dhismaha ciidammada qalabka, ayadoo tababarro iyo taageero kale ay ku caawinayso ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Arrimaha ammaanka iyo la dagaallanka argagixixsada ayuu sheegay in dowladda Mareykanku ay ka caawinayso Soomaaliya.

Ugu dambentii xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Dhadhaab ee Kenya ay xaq u leeyihiin inay helaan nolol wanaagsan oo ay guryahooda ku soo laabtaan. Dowladda Mareykanku inay taageero ku bixin doonto arrintaas ayuu saxaafadda u sheegay John Kerry.

Xoghayaha ayaa ka duulay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, isagoo maanta socdaal saacado qaatay ku yimid magaalada Muqdisho oo uu kula kulmay madaxweynaha dalka, R/wasaaraha, madaxda maamullada gobollada iyo bulshada rayidka.

Previous Post

FAAHFAAHIN: Socdaalka John Kerry ee Muqdisho

Next Post

MUUQAAL: Fariinta John Kerry ee imaanshihiisii maanta

Next Post

MUUQAAL: Fariinta John Kerry ee imaanshihiisii maanta

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In