Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Shuceyb Ibraahim Mahdi iyo Faarax Cali Cabdi oo ka dambeeyay dilal dhowr ah oo loo geystay shacab iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.
Saraakiisha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa horey u balan qaaday in xukunno dil ah lagu fulin doono maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha kooxda UGUS, kuwaasi oo dhibaato ku haya bulshada Soomaaliyeed.
6-dii April ayay ahayd markii maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ay Shuceyb Ibraahim Mahdi oo 37 jir ah iyo Faarax Cali Cabdi oo 30 sano jir ah Maxkamadda ku riday xukun dil ah, markii xeer ilaalinta Qaranka ay ku soo eedeysay dilal dhowr ah oo ay ka fuliyeen Muqdisho iyo ka mid ahaanshiyaha ururka Gumaadka Ummadda Soomaaliyeed ee UGUS.
Xeer ilaalinta Maxkamadda ciidanka qalabka sida ayaa ku eedeysay raggan maanta xukunka dilka ah lagu fuliyay inay horey u dileen:-
Ex-Xildhibaan Saado Cali Warsame
Ex-Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd
Ex-Xildhibaan Aadan Maxamed Cali “ Sheekh Aadan Maddeer”
Axmed Odawaa Baale oo ka tirsanaa hay’adda nabad sugidda Qaranka.
Maxamed Axmed Maxamed “ Qaanuuni” oo ka tirsanaa hay’adda nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka