Thursday, September 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

WAR DEG DEG AH: Golaha Wasiirada oo lagu dhawaaqay- AKHRISO LIISKA

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
WAR DEG DEG AH: Golaha Wasiirada oo lagu dhawaaqay- AKHRISO LIISKA
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 27, Jan, 2015. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Cumar Cabidrashid Cali Sharmarke ayaa caawa ku dhawaaqay Golaha Wasiirada, kadib wadatashi uu la yeeshay madaxweynaha, gudoonka baarlamaanka, xildhiibanada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, Golahaan Wasiirada ayaa waxay ka kooban yihiin 20 wasiir, iyadoo si dib laga soo magacaabayo Wasiiro Ku-xigeenada iyo Wasiiro Dowlayaasha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si xushmad leh uga codsaday Xildhibaanda Baarlamaanka iney soo dhaweeyaan Golaha Cusub ee Xukuumadda, markii la horkeeno Golahana ay ansixiyaan, si loo dar-dargaliyo howsha culus ee na hortaala.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026

“Aniga oo gudanaya waajibka dastuuriga ee ay ummadda Soomaaliyeed iga sugayso oo ah inaan soo dhiso Xukuumad buuxinaysa shuruudaha qabashada xilalka Wasiirnimo isla markaasna ku sifoobaysa aqoon, hufnaan, waayo argnimo iyo karti ay ku xaqiijin karaan himilada aynu doonayno inaan hiigsano sanadka 2016-ka. Kadib markaan wada- tashi dheer la sameeyey Madaxweynaha, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, Guddoonka Baarlamaanka, Xubnaha Baarlamaanka, Qurba Joogta, Ururada Bulshada iyo dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ayaan aniga oo og muhimadda ay leedahay in la helo xasilooni siyaasadeed oo horseeda sugidda amniga iyo horumarinta dhaqaaqalaha dalkeena oo maanta maraya meel wanaagsan ayaan magacaabay Golaha Wasiirada caaway” ayuu yiri RW Cumar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Wasiirrada uu caawa soo magacaabay aysan wax raad ah ku lahayn khilaafka siyaasadeed ee hadda jira, isla markaana buuxin karaan hawsha ay shacabku ka filanayaan.

“Waxa aynu la soconaa in mudooyinkii u dambeeyay uu hakad galay hawlihii Xukuumadda oo laf-dhabarka u ahaa ummadda, mana ahan arrin lagu sii jiri karo. Waqtiga gaaban awgiis, waxaan hadda soo gudbinayaa magaabista Wasiirrada oo kaliya, waxaan sida ugu dhakhsaha badan usoo gudbin doonaa Wasiirro Ku-xigeenada iyo Wasiirro Dawlayaasha”

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed uu mas’uul ka yahay waajibna ka saaran yahay inuu gacan ka geysto horusocodka dalka iyo inaan mar dambe dib loo noqon. Waxaa sidoo kale lagama maarmaan ah in aan xaqiijino fulinta hawlaha ahmiyadda koowaad u leh xukuumadda, gaar ahaan Hiigsiga 2016-ka.

Magacyada Wasiirrada
1. Maxamed Cumar Carte Ra’iisul Wasaare Ku Xigeen ahna Wasiirka Shaqada, Dhalinyarada & Sportiga
2. Axmed Xasan Gaboobe Wasaaradda Cadaaladda & Arrimaha Diinta
3. Cabdirixhman Maxamed Xuseen Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federaalka
4. Maxamed Aadan Ibraahim “Fargeti” Wasaaradda Maaliyadda
5. Cabdulqaadir Sh. Cali Diini Wasaaradda Gaashaandhigga
6. Cabdisalaan Hadliye Cumar Wasaaradda Arrimaha Dibadda
7. Khadra Bashiir Cali Wasaaradda Waxbarashada
8. Fahad Yaasiin Xaji Dahir Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda
9. Cabdirixman Yusuf Cali Caynte Wasaaradda Qorshaynta & Iskaashiga Caalamiga
10. Nuur Faarax Xirsi Wasaaradda Dastuurka
11. Guuled Xuseen Qaasim Wasaaradda Warfaafinta & Isgaarsiinta
12. Cali Axmed Jaamac “Jangali” Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada
13. Siciid Xuseen Ciid Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa
14. Cali Xasan Cusmaan Wasaaradda Beeraha
15. Xasan Axmed Muudeey Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha
16. Saalax Sh. Cusmaan Muuse Wasaaradda Howlaha Guud & Dib-U-Dhiska
17. Sahra Maxamed Cali Samatar Wasaaradda Haweenka & Hormarinta Xuquuqda Aadanaha
18. Maxamed Mukhtaar Ibrahim Wasaaradda Kaluumeysiga & Kheyraadka Badda
19. Cabdirisaaq Cumar Maxamed Wasaaradda Batroolka, Biyaha & Kheyraadka Dabiiciga
20. Xaawo Xasan Maxamed Wasaaradda Caafimaadka

Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya

Previous Post

Dowladda Federaalka waxey soo dhoweyneysaa Zakariya diidmada uu iska diiday fikirka colaadaha ee Al-Shabaab iyo sida uu nabadda u qaatay

Next Post

Xulalka Ghana iyo Aljeriya oo u soo Baxay Wareega Labaad ee Koobka Qaramada Afrika

Next Post
Xulalka Ghana iyo Aljeriya oo u soo Baxay Wareega Labaad ee Koobka Qaramada Afrika

Xulalka Ghana iyo Aljeriya oo u soo Baxay Wareega Labaad ee Koobka Qaramada Afrika

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

𝐑𝐚,𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐉𝐅𝐒  𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐄𝐥 𝐍𝐢𝐧̃𝐨

𝐑𝐚,𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐄𝐥 𝐍𝐢𝐧̃𝐨

September 23, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi , ayaa guddoomiyay kulan heer wasiir ah oo...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kulamo doceedyo kula yeeshay Madaxweynaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In