Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DEGDEG: Xukuumadda iyo baarlamaanka oo go’aan ka gaaray doorashada 2016-ka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Khudbadihii madaxda ee xafladda caleemasaarka madaxweynaha Galmudug oo socota
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan ay Xildhibaannada Baarlamaanka ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa lagu shaaciyey go’aan ay si wadajir ah uga gaareen labada Gole ee Dowladda doorashada 2016ka ayadoo kulankaasina uu Baarlamaanka hor yimid Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Kulanka Baarlamaanka ee maanta waxaa soo xaadiray 158 Xildhibaan ayadoo goobjoogna ay ka ahaayeen Guddoomiye ku xigeennada Koobaad iyo labaad ee Baarlamaanka waxaana Mudaneyaasha hor yimid Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo ay wehliyeen xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo kulanka shir guddoominayey ayaa ugu horeyn Xildhibaannada xasuusiyey in dalku marayo marxalad aad u xasaasi ah islamarkaana looga baahan yahay in go’aanno waxtar u leh dalka iyo dadka balse aanan la aqbali karin in la carqaladeeyo howlaha umadda loo hayo.

Guddoomiyaha guddi hoosaad uu Baarlamaanka Soomaaliya u xil saartay iney kasoo talo bixiyaan jiheynta siyaasadda dalka 2016ka Xildhibaan C/laahi Goodax Bare oo Xildhibaannada Baarlamaanka u faah faahiyey go’aanno seddex qodob ka kooban oo ay wadajir u gaareen Baarlamaanka iyo Xukuumadda ayaa xusay in labada Gole ay isla garteen ineysan dalkan ka dhici karin 2016ka doorasho hal qof iyo hal cod ah.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Ra’isulwasaarha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo Xildhibaannada Baarlamaanka u jeediyey Khudbad kooban ayaa ugu horeyn tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay in ay si wadajir ah oo leh isku duubni u wada shaqeeyaan laamaha fulinta iyo sharci dejinta, nooca doorashada dalka ka dhaceysa 2016kana ay si wadajir ah u go’aansan doonaan hay’adaha Dastuuriga ah ee Dowladda iyo maamul goboleedyada.

Go’aanka sida wadajirka ah u gaareen Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka ayaa ah mid soo afjaraya kulammo wadatashiyo ah oo maalmahan xarunta Villa Hargeysa uga soconayey xubno ka kala socday labada Gole.

Previous Post

BELEDEYNE: Rug Boolis oo laga furay xaafadda Howl-Wadaag

Next Post

Baarlamanka Galmudug oo ansixyay Dasturka maamulkaas

Next Post
Baarlamanka Galmudug oo ansixyay Dasturka maamulkaas

Baarlamanka Galmudug oo ansixyay Dasturka maamulkaas

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In