Munasabad lagu wacyi gelinayo ololaha nadafada ee ka socda casimadda dalka ee Muqdisho ayaa lagu qabtay Degmada Shangani ee gobalka Banaadir.
Munasabada ย ayaa waxaa ย ka qeyb galay xubno uu ka mid ahaa gudomiye ku xigenka dhinaca Siyaasadda ee maamulka G/Banaadir ย Maxamed Aadan Guuleed (Cana-Geele) Gudomiyaha Degmada Shangani Saciid Buube gudomiyasha degmoyinka iyo qaar ka mid ah agaasimayasha D/hoose ee Muqdisho.
Xaflada ayaa waxaa lagu soo bandhigay Riwaayad ay dhigayeen kooxda Onkod ee ciidanka Asluubta Soomaliyeed taas oo ka turmeysay ololaha Nadaafadda ka socda caasimadda dalka ee Muqdisho.










