Sunday, September 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Degmada Waaberi oo lagu qabtay xoojinta Isdhexgalka bulshada iyo ciidanka booliska

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Dhoolatus ay sameynayaan ciidanka booliska oo Muqdisho ka socda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadaan oo ahayd isdhexgalka bulshada shacabka ku nool degmada Waaberi iyo ciidanka booliska ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiil ka tirsan ciidanka booliska, xubno ka socday maamulka Gobolka Banaadir, qeybaha bulshada ee degmada, faniin iyo marti sharaf kale, kaasi oo lagu qabtay xarunta Degmada Waaberi.

Guddoomiyaha degmada Waaberi Xaawo Maxamuud Cali “Xaawa Kiin” oo munasabadda hadal kooban ka jeedisay ayaa sheegtay in ay tahay wax lagu farxo xoojinta wada shaqeynta ka dhexeysa shacabka iyo ciidanka booliska oo ay ku tilmaamtay inay horseedeyso adkeynta Nabad gelyada.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo la kulmay Wakiilka cusub ee hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo la kulmay Wakiilka cusub ee hay’adda WHO ee Soomaaliya

September 5, 2026
Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsan Khawaarijta

September 5, 2026

“Maamulka wax khilaaf ah kama taagna, markasta oo ay wada shaqeynta hagaagto, waxaa hagaagaya wada shaqeynta ka dhexeysa booliska iyo shacabka intiisa kale, anagu waxaan tusale u nahay bulshada inteeda kale, booliskuna waa saaxiibka bulshada, haddi ay gaabato wada shaqeynta maamulka iyo booliska, waxaa meesha ka baxaysa wada shaqeynta shacabka iyo booliska, marka waxaan rabnaa in aan xoojinayo wada shaqeynta aan la leenahay booliska, hadii ay ahaan lahayd maamul iyo shacab intaba” ayay tiri Xaawo-kiin.

Taliyaha qeybta booliska ee gobolka Banaadir Cali Maxamed Shariif oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in haddii ciidanka booliska aysan wada shaqeyn ka helin shacabka iyo maamulka aysan kaligood wax qaban karin, isagoo ku booriyay inay xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin ciidanka.

“Nabadda aan ku fiidsaneysaan caawa ee aan halkan u joogno, iskama imaanin, waxa ay ku timid ciidanka booliska iyo maamulka degmada oo isku xiran, ciidanka ma shaqeyn karo haddii aysan isku xirneyn maamulka degmada iyo shacabka, marka waxaan idinkula dar daarmayaa inaad xoojisaan wada shaqeynta aad la leedihiin ciidanka, maadaama labada dhinac ay yihiin dad la soo xulay” ayuu yiri Cali Maxamed.

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobalka banaadir ahna gudomiye ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyada Ismaaciil Macalin Cabdi Guure oo gabo gabadii kulanka lagu xoojinayay isdhexgalka bulshada iyo ciidanka booliska ka hadlayay ayaa tilmaamay in gobolka iyo boolisku ay ka dhexeyso wada shaqeyn, shacabkuna looga fadhiyo in ay sii xoojiyaan wada shaqeyntaas.

“Gobolka iyo booliska waa hal, far waaye, way isku xiranyihiin, waa wada shaqeyaan, xoogga uu gobolka banaadir ama degmooyinka ku shaqeeyo waa booliska, booliska cidda ay u shaqeeyaan waa shacabka oo ay mas’uul ka yihiin maamulka Gobolka Banaadir, degmo waliba haddii ay sidaan u istaagto oo ay la shaqeyso booliska degmada, degmo kasta nabad ayay heli lahayd, dadka nabad diidka ah ee aan ogoleyn in aan sidaan oo kale u fiidsano, waxaa wax lagu qaban karaa in aan xoojino wada shaqeynta ciidanka booliska aan la leenahay” ayuu yiri Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Munaasabadda ayaa intii ay socotay waxa ay faniintu waxa ay madasha ku soo bandhigeen suugana ka turjumeysa qiimaha ay nabaddu leedahay iyo xoojinta wada shaqeynta shacabka iyo ciidanka booliska.

 

 

 

 

Previous Post

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Talyaaniga oo codsaday in dib u dayactir lagu sameeyo safaaradda

Next Post

Siminaar ku saabsan xoojinta amniga oo lagu qabtay Wadajir

Next Post
Xoojinta amniga degmada Xamarweyne oo laga shiray “SAWIRRO”

Siminaar ku saabsan xoojinta amniga oo lagu qabtay Wadajir

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo la kulmay Wakiilka cusub ee hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo la kulmay Wakiilka cusub ee hay’adda WHO ee Soomaaliya

September 5, 2026
0

 RADIO MUQDISHO:- Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta...

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsan Khawaarijta

September 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa hawlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Buula Fulaay...

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Beledweyne

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Beledweyne

September 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo wehliyo Wasiir-dowlaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Hirshabeelle...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Beladweyne

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Beladweyne

September 5, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo wehliyo Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Hirshabeelle...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In