Waxaa degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose iyo qaybo badan oo ka mid deegaanada ku dhaw ka socda banaanbaxyadii ugu weynaa oo lagu taageerayo Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaaso oo uu soo qaban qaabiyay maamulka degmada Wanla weyn
Waxaa la arkayaa dadweyne badan oo maraya waddooyinka degmada Wanla weyn iyo qaybo kale oo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana banaan baxa isugu soo baxay boqolaal dadweyne ah kuwaasi oo ku dhawaaqayeen hal kudhigyo ay ku taageerayaan Madaxweynaha cusub ee la doortay.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa doortay Madaxweynaha Afarta Sano ee soo socota oo uu ku guuleystay R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo tan iyo markii la doortay ay isa soo tarayeen isu soo baxyada Nabadeed ee lagu taageerayo Madaxweynaha cusub.