Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Isu soo bax Nabadeed oo ka socda Taalada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
February 11, 2017
in Wararka
0
Isu soo bax Nabadeed oo ka socda Taalada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

dibax bax

Isu soo bax nabadeed oo lagu taageerayo Madaxweynaha cusub ee dalka ayaa ka soconeysa magaalada Muqdisho, kaasi oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka Gobolka banaadir.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid 17-ka degmo ee gobolka ayaa isugu soo baxay taalada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, kuwaasi oo sitay boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo ay ku taageerayaan Madaxweynaha la doortay.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Gobolka Benaadir Nuur Saciid Tahliil oo iminka ku sugan halka ay ka dhaceyso isu soo baxa ayaa ku soo waramay in isu soo baxa uu yahay mid Nabadeed, isla markaana ay ku taageerayaan Madaxweynaha la doortay.

Madaxda maamulka Gobolka ayaa ka soo qeyb galay dibad baxa, iyadoo ay socdaan khudbadaha ay jeedinayaan mas’uuliyiintii, kuwaasi oo ka hadlaya sida ay u soo dhaweynayaan Madaxweynaha cusub ee la doortay.

Isu soo bax kan la mid ah ayaa ka soconeysa qaar ka mid ah gobollada dalka, kuwaasi oo qaarkood ay yihiin kuwa si iskood ah isu soo abaabulay, waxaana wixii ka dambeeyay 8-dii bishaan markii uu Madaxweyne Farmaajo ku guuleystay tartankii Madaxtinimo soo ifbaxayay taageerada ay shacabka Soomaaliyeed u muujinayaan Madaxweynaha cusub.

 

Previous Post

Maryan Shaacir oo ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Canada oo ka hadashay taageerada Madaxweynaha cusub “Dhageyso”

Next Post

Degmada Wanla weyn oo ka dhacday isu soo bax lagu taageerayay Madaxweynaha cusub

Next Post
Degmada Wanla weyn oo ka dhacday isu soo bax lagu taageerayay Madaxweynaha cusub

Degmada Wanla weyn oo ka dhacday isu soo bax lagu taageerayay Madaxweynaha cusub

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In