Monday, February 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Degmada Yaaq-shiid: Hub iyo shaqsiyaadkii lahaa oo gacanta lagu soo dhigay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Degmada Yaaq-shiid: Hub iyo shaqsiyaadkii lahaa oo gacanta lagu soo dhigay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Nabad Sugidda qaranka oo howlgallo ka sameeyay xaafado ka tirsan demada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay gacanka ku soo dhigeen hub iyo dadkii heystay oo ku sugnaa guri ku yaal Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Afheyeenka Gobolka Banaadir, Cabdifitaax Cumar Xalane oo la hadlay Wakaaladda SONNA ayaa sheegay in howlgal saakay ay ciidamada NISA ka sameeyeen degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir ay ku soo qabteen hub isugu jira qoryaha fudud iyo kuwa culus oo yaalay guri ay dagnaayeen hooyo iyo sadax carruur ah oo ku yaal degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026

“Ciidamada NISA waxa ay howlgalkooda ku soo qabteen qori RBG ah iyo laba qori oo AK47 ah oo yaalay guri ay joogeen hooyo iyo sadax carruur ah oo ay dhashay. Waxaana socdo baaritaano lagu xaqiijinaayo cida leh hubka lagu soo qabtay dadkan” ayuu yiri, Afheyeenka Gobolka Banaadir, Cabdifitaax Cumar Xalane.

Tallaabadaani ayaa ku soo beegmeysa xilli ciidamada dowladda ay wadaan howlgallo lagu xaqiijinaayo amni, si looga hortago qatarta kooxaha nabad diidka ee ku howlan dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed ee aanan waxba galabsan.

Xigasho: Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA

Previous Post

Ciidanka XDS oo deegaanno cusub la wareegay

Next Post

Barnaamijka Kulanka Todobaadka Oo Ku Saabsan Fursado Shaqo Sida Dhalinyarada Loogu Abuuri Karo “Marti Wasiirka Dhalinyarada”

Next Post
Wasiirka dhalinyarada Soomaaliya oo hambalyada maalinta dhalinyarada 15_ka May u diray dhalinta Soomaaliyeed

Barnaamijka Kulanka Todobaadka Oo Ku Saabsan Fursado Shaqo Sida Dhalinyarada Loogu Abuuri Karo "Marti Wasiirka Dhalinyarada"

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka...

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha iyo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
0

Dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan xilalka Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed:...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In