Saturday, March 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Deni oo Baarlamaanka u jeediyey inay Ansixiyaan heshiiska Siyaasadeed ee Doorashada+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Deni oo Baarlamaanka u jeediyey inay Ansixiyaan heshiiska Siyaasadeed ee Doorashada+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayey munaasabad isaga iyo wafdigiisa lagu soo dhaweynayey oo xalay Muqdisho ka dhacay ayaa u jeediyey Baarlamaanka dalka inay ansixiyaan heshiiska siyaasadeed ee doorashada dalka lagu gaarsiinayo oo todobaadkii hore ay dawladda Federaalka iyo dawlad goboleedyada oo uu wehliyo gobolka Banaadir ay ku heshiiyeen.

Waxa uu sheegay in heshiiskaas uu ku yimid wada-xaajood muddo socday oo Soomaalida dhexdeeda ah, islamarkaana lagu saleeyey hanaan dhexdhexaad ah oo aan cid gooni ah loogu danayn, isagoo u mahadceliyey madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dadaal badan ku bixiyey sidii loo gaari lahaa go’aan talo wadaag ah.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Maxkamadda Sare ee JFS oo ansixisay natiijada doorashadii golayaasha deegaanka Gobolka Banaadir

March 28, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda Soomaaliya oo si adag u uga hadashay is doorashada sharci darrada ah ee ka dhacday Baydhabo

March 28, 2026

Sii hayaha Wasiirka warfaafinta xukuumadda FS Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo munaasabadaas ka hadlay ayaa xusay in dawlad goboleedyada oo Puntland ugu horrayso ay mas’uuliyad ka saarantahay inay dawladda dhexe kala shaqeeyaan hirgalinta nidaamka Federaalka, waxaana uu intaa ku daray in madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Wasiir iyo Xildhilaanba ka soo noqday Federaalka uu arrintaasi dareensanyahay.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa isaguna xusay in madaxda Soomaaliyeed iyo shacabkaba ay ahmiyad u leedahay inay aayahooda iyo nuuca doorasho ee dalka ka dhacaysa u go’aamiyaan si madax banaan oo uusan shisheeye ku luglahayn.

Munaasabadda lagu soo dhaweynayey madaxweynaha Puntland waxaa ka qaybgalay Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad, mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dawladda Federaalka, saraakiil ciidan iyo marti sharaf kale.

Tags: Deni oo Baarlamaanka u jeediyey inay Ansixiyaan heshiiska Siyaasadeed ee Doorashada+Sawirro
Previous Post

Dhageyso barnaamijka Faaqidaada Wararka ee Radio Muqdisho.

Next Post

Ciidanka Falastiin oo xiray Siyaasiyiin lagu eedeynayo inay ku lug lahaayeen heshiiska Israel iyo Imaaraatka

Next Post
Ciidanka Falastiin oo xiray Siyaasiyiin lagu eedeynayo inay ku lug lahaayeen heshiiska Israel iyo Imaaraatka

Ciidanka Falastiin oo xiray Siyaasiyiin lagu eedeynayo inay ku lug lahaayeen heshiiska Israel iyo Imaaraatka

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Maxkamadda Sare ee JFS oo ansixisay natiijada doorashadii golayaasha deegaanka Gobolka Banaadir

March 28, 2026
0

Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kama dambeys ah u ansixisay natiijada doorashadii golayaasha deegaanka Gobolka Banaadir, oo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda Soomaaliya oo si adag u uga hadashay is doorashada sharci darrada ah ee ka dhacday Baydhabo

March 28, 2026
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa is doorashada sharci darrada ah ee maanta lagu qabtay magaalada Baydhaba, taas...

Wafdi ka socday Turkiga oo booqasho ku tegay Dekadda Muqdisho

Wafdi ka socday Turkiga oo booqasho ku tegay Dekadda Muqdisho

March 28, 2026
0

Wafdi ka socday shirkadda Akkon Lines ee dalka Türkiye ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay Dekedda Magaalada Muqdisho, waxaana...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo loo gudbiyay Warbixinta Wasaaradda Gaadiidka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo loo gudbiyay Warbixinta Wasaaradda Gaadiidka

March 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa warbixin uga dhagaystay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In