Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Deni oo Baarlamaanka u jeediyey inay Ansixiyaan heshiiska Siyaasadeed ee Doorashada+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Deni oo Baarlamaanka u jeediyey inay Ansixiyaan heshiiska Siyaasadeed ee Doorashada+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayey munaasabad isaga iyo wafdigiisa lagu soo dhaweynayey oo xalay Muqdisho ka dhacay ayaa u jeediyey Baarlamaanka dalka inay ansixiyaan heshiiska siyaasadeed ee doorashada dalka lagu gaarsiinayo oo todobaadkii hore ay dawladda Federaalka iyo dawlad goboleedyada oo uu wehliyo gobolka Banaadir ay ku heshiiyeen.

Waxa uu sheegay in heshiiskaas uu ku yimid wada-xaajood muddo socday oo Soomaalida dhexdeeda ah, islamarkaana lagu saleeyey hanaan dhexdhexaad ah oo aan cid gooni ah loogu danayn, isagoo u mahadceliyey madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dadaal badan ku bixiyey sidii loo gaari lahaa go’aan talo wadaag ah.

Related posts

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026

Sii hayaha Wasiirka warfaafinta xukuumadda FS Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo munaasabadaas ka hadlay ayaa xusay in dawlad goboleedyada oo Puntland ugu horrayso ay mas’uuliyad ka saarantahay inay dawladda dhexe kala shaqeeyaan hirgalinta nidaamka Federaalka, waxaana uu intaa ku daray in madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Wasiir iyo Xildhilaanba ka soo noqday Federaalka uu arrintaasi dareensanyahay.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa isaguna xusay in madaxda Soomaaliyeed iyo shacabkaba ay ahmiyad u leedahay inay aayahooda iyo nuuca doorasho ee dalka ka dhacaysa u go’aamiyaan si madax banaan oo uusan shisheeye ku luglahayn.

Munaasabadda lagu soo dhaweynayey madaxweynaha Puntland waxaa ka qaybgalay Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad, mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dawladda Federaalka, saraakiil ciidan iyo marti sharaf kale.

 

 

 

 

Tags: Deni oo Baarlamaanka u jeediyey inay Ansixiyaan heshiiska Siyaasadeed ee Doorashada+Sawirro
Previous Post

Dhageyso barnaamijka Faaqidaada Wararka ee Radio Muqdisho.

Next Post

Ciidanka Falastiin oo xiray Siyaasiyiin lagu eedeynayo inay ku lug lahaayeen heshiiska Israel iyo Imaaraatka

Next Post
Ciidanka Falastiin oo xiray Siyaasiyiin lagu eedeynayo inay ku lug lahaayeen heshiiska Israel iyo Imaaraatka

Ciidanka Falastiin oo xiray Siyaasiyiin lagu eedeynayo inay ku lug lahaayeen heshiiska Israel iyo Imaaraatka

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In