Thursday, September 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DFS, Bangiga Adduunka iyo Bahwadaagta Caalamka oo ka wada hadlay Barnaamijka Cusub ee Kaararka Aqoonsiga “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
July 3, 2018
in Wararka
0
DFS, Bangiga Adduunka iyo Bahwadaagta Caalamka oo ka wada hadlay Barnaamijka Cusub ee Kaararka Aqoonsiga “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

03 Luulyo, 2018; Madaxa istaraatiijiyadda Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna u qeybsanaha Barnaamijka Kaarar Aqoonsiga ee digitaalka ah Mudane Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa magaalada Nayroobi kula kulmay saraakiil sare oo ka tirsan Bangiga Adduunka iyo bahwadaag kale oo dhanka horumarinta ka socday kuwaas oo ay ka wada hadleen barnaamijkan cusub ee ay hormuudka u tahay Dowladda Soomaaliya, ujeedkiisuna yahay sidii kaarar aqoonsi oo elektarooniga ah loogu sameyn lahaa dhammaan dadka Soomaaliyeed.

Barnaamijka qaran ee aqoonsi u sameynta muwadiniinta Soomaaliyeed oo noqonaya kii ugu horeeyay ee nuuciisa ah ayuu ujeedku yahay hirgelinta barnaamij aas-aas u noqonaya sameynta kaarar aqoonsi oo laga heli karo xogta shaqsiga.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo uga warbixiyay Madaxda Qaranka wax-qabadka hay’adda

Guddoomiyaha SoDMA oo uga warbixiyay Madaxda Qaranka wax-qabadka hay’adda

September 18, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa ” Guulaha la gaaray waxaa saldhig u ah sharuucda dalka oo la hagaajiyay”.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ” Guulaha la gaaray waxaa saldhig u ah sharuucda dalka oo la hagaajiyay”.

September 18, 2025

“Dowladda Soomaaliya waxay si dardar leh ugu howlantahay hirgelinta dhismaha nidaam u qaabeysan fulinta baahiyaha muwaadiniinteeda ee dhanka aqoonsiga”, ayuu yiri Dr. Nuur Diiriye Xirsi.

“Si la mid ah taabbogelinta horumarkaas, waxaan u baahannahay inaan hubinno in muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo dadka xaqa u leh la siiyo aqoonsi awood u siin doona helitaanka adeegyada muhiimka ah oo ay ku jiraan adeegyada kaalmooyinka gargaar iyo adeegga xawilaadda. Hirgelinta habkani cusub ee aqoonsi u sameynta muwadiniinta Soomaaliyeed wuxuu ka dhigan yahay wax ka qabashada aragtiyada caalamiga ah ee ka hortaga khataraha iyo fal dambiyeedka”.

Soomaaliya waligeed ma yeelanin nidaam lagu sameynayno aqoonsi digital ah oo ay helaan dhammaan muwaadiniinta iyo dadka kale ee degaanka ku ah Soomaaliya, inkasta oo nidaamyada aqoonsi ee aan elektrooniga ahayn ka shaqeynayn jiray Dowladdaha Hoose ka hor 1991.

Nidaamkan aqoonsiga cusubi wuxuu ujeedkiisu yahay in uu kor loo qaado xiriirka bulsho iyo qeybaha adeegayada bixiya iyadoo la adeegsanayo nidaamka elektarooniga ah ee lagu aqoonsan karo macaamiisha ee ay adeegsadaan shirkadaha maaliyadda. Waxay sidoo kale tani qeyb weyn ka qaadan doontaa fududeynta adeegyadda bulsho sida xawilaadaha oo si aan shuruud lahayn ugu ogolaan doona muwadiniinta isticmaalka aqoonsigooda, middaas oo wax weyn ka tari doonta ammaanka iyo dimuqraadiyeynta.

Dr. Fuursade wuxuu u sharraxay qaabka farsamo ee bahwadaagta dhanka horumarinta ay gacan uga geysan karaan nidaamkan, isagoo faahfaahiyay hannaanka loo hirgelin karo qorshahani sida kaabayaasha lagama marmaanka u ah sameynta aqoonsiga, sida qorshe sharci iyo nidaam, jadwalka fulinta iyo qiyaasaha miisaaniyadda ku baxaya hirgalinta nidaamkan. Waxa uu carabka ku adkeeyay in Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya uu ku talagalayo hirgalinta hay’ad cusub oo heer federaal ah midaas oo maareeyn doonta nidaamka aqoonsiga.

Dr Nuur ayaa sidoo faahfaahiyay heshiiskii Isfahamka ahaa (MoU) ee dhawaan Dowladda Federaalka Soomaaliya la gashay hay’adda Diiwaangelinta Qaranka (NADRA) ee Pakistan. NADRA waxay soo bandhigtay khibrad ku aadan abuurista iyo hirgelinta barnaamijadda aqoonsiga ee waddamadda jilicsan ama kuwa ka soo baxaya dagaaladda, oo ay ku jiraan meelaha miyiga oo ay adagtahay si ay u gaaraan adeegyadda bulsho ee ay u baahan yihiin.

In kabadan 1.1 bilyan oo qof oo adduunka ku nool ayaan awoodin in ay caddeeyaan aqoonsigooda, ayna sidaa darteedna ku waayaan adeegyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin daryeelka caafimaadka, xaquudooda daryeelka bulsho, waxbarashada iyo tageero maaliyadeed.

Dadka intooda badan waxay ku noolyihiin Afrika iyo Aasiya. In ka badan saddex dalool waa carruurta aan diiwaangashaneyn. Maamulka sare ee Bangiga Adduunka ayaa ahmiyad gaar ah oo istaraatijiyadeed saaray Horumarinta Aqoonsiga (ID4D) iyada oo Bangiga Adduunku uu ka tageero dhanka maaliyadda hay’adaha ku howlan sameynta aqoonsiyadda si loo xoojiyo afkaaraha caalamiga ah ee aqoonsi u sameynta muwadiniinta.

“Bangiga adduunka isagoo matalaya caalamka, kaalinta kaga aaddan tageeridda horumarinta aqoonsiga waxay lagama maarmaan u tahay hirgelinta qorshahani aas-aasiga ah dowlad dhisidda Soomaaliya, iyada oo duruufaha gaarka ee Soomaaliya la eegayo taageerada nidaamkan uu caalamku u hayo ayaa lagama marnaam ah in la hirgeliyo si loola jaan qaado adduunka intiisa kale” sidaasi waxaa yiri Dr. Fuursade.

Ugu dambeyntii, Dr. Fuursade iyo kooxdiisu waxay soo jeediyeen dowrka Bangiga Adduunka ee hirgelinta Barnaamijka Aqoonsiga Qaran ee Soomaaliya, oo ay ka mid tahay in Bangiga uu ka taageero Dowlad Fedaraalka Soomaaliya sidii la iskugu keeni lahaa bah wadaagta iyo daneeyeyaasha kale, iyo sidii tageero farsamo ay u heli lahayeen waaxda ku howlan mashruucan ee habeynta iyo fulinta nidaamka aqoonsiga ee NADRA.

Shirkan waxaa ka qeybgalay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Bangiga Adduunka, DFID, EU, Norway, Denmark iyo USAID.

Previous Post

R/wasaare Kheyre oo kormeer shaqo ku tagay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed “Sawirro”

Next Post

Wasiirka Difaaca oo la kulmay saraakiil ka socota Mareykanka, Midowga Yurub iyo Turkiga-Sawirro

Next Post
Wasiirka Difaaca oo la kulmay saraakiil ka socota Mareykanka, Midowga Yurub iyo Turkiga-Sawirro

Wasiirka Difaaca oo la kulmay saraakiil ka socota Mareykanka, Midowga Yurub iyo Turkiga-Sawirro

Guddoomiyaha SoDMA oo uga warbixiyay Madaxda Qaranka wax-qabadka hay’adda

Guddoomiyaha SoDMA oo uga warbixiyay Madaxda Qaranka wax-qabadka hay’adda

September 18, 2025
0

Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa uga warbixiyay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka howlaha muhiimka ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa ” Guulaha la gaaray waxaa saldhig u ah sharuucda dalka oo la hagaajiyay”.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ” Guulaha la gaaray waxaa saldhig u ah sharuucda dalka oo la hagaajiyay”.

September 18, 2025
0

Xukuumadda DanQaran ayaa xalay bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigtay guulaha ay xaqiijisay muddadii saddex sano ahayd ee ay dalka u...

𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐖𝐚𝐱𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧-𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 (𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟓)

𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐖𝐚𝐱𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧-𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 (𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟓)

September 17, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqday qaybta ay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

September 17, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiikiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In