Monday, May 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DFS, Bangiga Adduunka iyo Bahwadaagta Caalamka oo ka wada hadlay Barnaamijka Cusub ee Kaararka Aqoonsiga “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
DFS, Bangiga Adduunka iyo Bahwadaagta Caalamka oo ka wada hadlay Barnaamijka Cusub ee Kaararka Aqoonsiga “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

03 Luulyo, 2018; Madaxa istaraatiijiyadda Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna u qeybsanaha Barnaamijka Kaarar Aqoonsiga ee digitaalka ah Mudane Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa magaalada Nayroobi kula kulmay saraakiil sare oo ka tirsan Bangiga Adduunka iyo bahwadaag kale oo dhanka horumarinta ka socday kuwaas oo ay ka wada hadleen barnaamijkan cusub ee ay hormuudka u tahay Dowladda Soomaaliya, ujeedkiisuna yahay sidii kaarar aqoonsi oo elektarooniga ah loogu sameyn lahaa dhammaan dadka Soomaaliyeed.

Barnaamijka qaran ee aqoonsi u sameynta muwadiniinta Soomaaliyeed oo noqonaya kii ugu horeeyay ee nuuciisa ah ayuu ujeedku yahay hirgelinta barnaamij aas-aas u noqonaya sameynta kaarar aqoonsi oo laga heli karo xogta shaqsiga.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

May 10, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO KHUBADDA MADAXWEYNAHA JFS

May 10, 2026

“Dowladda Soomaaliya waxay si dardar leh ugu howlantahay hirgelinta dhismaha nidaam u qaabeysan fulinta baahiyaha muwaadiniinteeda ee dhanka aqoonsiga”, ayuu yiri Dr. Nuur Diiriye Xirsi.

“Si la mid ah taabbogelinta horumarkaas, waxaan u baahannahay inaan hubinno in muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo dadka xaqa u leh la siiyo aqoonsi awood u siin doona helitaanka adeegyada muhiimka ah oo ay ku jiraan adeegyada kaalmooyinka gargaar iyo adeegga xawilaadda. Hirgelinta habkani cusub ee aqoonsi u sameynta muwadiniinta Soomaaliyeed wuxuu ka dhigan yahay wax ka qabashada aragtiyada caalamiga ah ee ka hortaga khataraha iyo fal dambiyeedka”.

Soomaaliya waligeed ma yeelanin nidaam lagu sameynayno aqoonsi digital ah oo ay helaan dhammaan muwaadiniinta iyo dadka kale ee degaanka ku ah Soomaaliya, inkasta oo nidaamyada aqoonsi ee aan elektrooniga ahayn ka shaqeynayn jiray Dowladdaha Hoose ka hor 1991.

Nidaamkan aqoonsiga cusubi wuxuu ujeedkiisu yahay in uu kor loo qaado xiriirka bulsho iyo qeybaha adeegayada bixiya iyadoo la adeegsanayo nidaamka elektarooniga ah ee lagu aqoonsan karo macaamiisha ee ay adeegsadaan shirkadaha maaliyadda. Waxay sidoo kale tani qeyb weyn ka qaadan doontaa fududeynta adeegyadda bulsho sida xawilaadaha oo si aan shuruud lahayn ugu ogolaan doona muwadiniinta isticmaalka aqoonsigooda, middaas oo wax weyn ka tari doonta ammaanka iyo dimuqraadiyeynta.

Dr. Fuursade wuxuu u sharraxay qaabka farsamo ee bahwadaagta dhanka horumarinta ay gacan uga geysan karaan nidaamkan, isagoo faahfaahiyay hannaanka loo hirgelin karo qorshahani sida kaabayaasha lagama marmaanka u ah sameynta aqoonsiga, sida qorshe sharci iyo nidaam, jadwalka fulinta iyo qiyaasaha miisaaniyadda ku baxaya hirgalinta nidaamkan. Waxa uu carabka ku adkeeyay in Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya uu ku talagalayo hirgalinta hay’ad cusub oo heer federaal ah midaas oo maareeyn doonta nidaamka aqoonsiga.

Dr Nuur ayaa sidoo faahfaahiyay heshiiskii Isfahamka ahaa (MoU) ee dhawaan Dowladda Federaalka Soomaaliya la gashay hay’adda Diiwaangelinta Qaranka (NADRA) ee Pakistan. NADRA waxay soo bandhigtay khibrad ku aadan abuurista iyo hirgelinta barnaamijadda aqoonsiga ee waddamadda jilicsan ama kuwa ka soo baxaya dagaaladda, oo ay ku jiraan meelaha miyiga oo ay adagtahay si ay u gaaraan adeegyadda bulsho ee ay u baahan yihiin.

In kabadan 1.1 bilyan oo qof oo adduunka ku nool ayaan awoodin in ay caddeeyaan aqoonsigooda, ayna sidaa darteedna ku waayaan adeegyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin daryeelka caafimaadka, xaquudooda daryeelka bulsho, waxbarashada iyo tageero maaliyadeed.

Dadka intooda badan waxay ku noolyihiin Afrika iyo Aasiya. In ka badan saddex dalool waa carruurta aan diiwaangashaneyn. Maamulka sare ee Bangiga Adduunka ayaa ahmiyad gaar ah oo istaraatijiyadeed saaray Horumarinta Aqoonsiga (ID4D) iyada oo Bangiga Adduunku uu ka tageero dhanka maaliyadda hay’adaha ku howlan sameynta aqoonsiyadda si loo xoojiyo afkaaraha caalamiga ah ee aqoonsi u sameynta muwadiniinta.

“Bangiga adduunka isagoo matalaya caalamka, kaalinta kaga aaddan tageeridda horumarinta aqoonsiga waxay lagama maarmaan u tahay hirgelinta qorshahani aas-aasiga ah dowlad dhisidda Soomaaliya, iyada oo duruufaha gaarka ee Soomaaliya la eegayo taageerada nidaamkan uu caalamku u hayo ayaa lagama marnaam ah in la hirgeliyo si loola jaan qaado adduunka intiisa kale” sidaasi waxaa yiri Dr. Fuursade.

Ugu dambeyntii, Dr. Fuursade iyo kooxdiisu waxay soo jeediyeen dowrka Bangiga Adduunka ee hirgelinta Barnaamijka Aqoonsiga Qaran ee Soomaaliya, oo ay ka mid tahay in Bangiga uu ka taageero Dowlad Fedaraalka Soomaaliya sidii la iskugu keeni lahaa bah wadaagta iyo daneeyeyaasha kale, iyo sidii tageero farsamo ay u heli lahayeen waaxda ku howlan mashruucan ee habeynta iyo fulinta nidaamka aqoonsiga ee NADRA.

Shirkan waxaa ka qeybgalay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Bangiga Adduunka, DFID, EU, Norway, Denmark iyo USAID.

Previous Post

R/wasaare Kheyre oo kormeer shaqo ku tagay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed “Sawirro”

Next Post

Wasiirka Difaaca oo la kulmay saraakiil ka socota Mareykanka, Midowga Yurub iyo Turkiga-Sawirro

Next Post
Wasiirka Difaaca oo la kulmay saraakiil ka socota Mareykanka, Midowga Yurub iyo Turkiga-Sawirro

Wasiirka Difaaca oo la kulmay saraakiil ka socota Mareykanka, Midowga Yurub iyo Turkiga-Sawirro

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

May 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay munaasabadda xuska Maalinta Yurub (Europe Day)...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO KHUBADDA MADAXWEYNAHA JFS

May 10, 2026
0

Hadal-jeedinta Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee xaaladda guud ee dalka, doorashooyinka qof iyo cod ee sida nabadda ah...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyay kulan laba geesood u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirrada dalalka Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyay kulan laba geesood u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirrada dalalka Midowga Yurub

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta shir guddoomiyay kulan laba geesood ah...

Xildhibaanno heer Federaal ah oo ka codeeyay doorashada Baydhaba

Xildhibaanno heer Federaal ah oo ka codeeyay doorashada Baydhaba

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, xildhibaanno, iyo shacabka ku nool magaalada Baraawe ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In