Monday, March 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DFS oo ka warbixisay xaaladda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 hours ago
in Wararka
0
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay in muddo ah ku mashquulsaneyd in arrimaha Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed lagu xaliyo talo ay u dhan yihiin shacabka ku dhaqan deegaannada Koonfuur Galbeed, hase ahaatee waxaa nasiib darro ah in tallaabooyinkaasi wanaagsan uu ka hor yimid maamulkii hore ee KG oo ku kacay falal abuuray xiisado siyaasadeed.

Haddaba shacabka reer Koonfur Galbeed oo ka dhiidhiyay xadgudubyada maamulkii hore ayaa ugu dambeyn maanta si buuxda gacanta ugu dhigay magaalada Baydhabo oo ah Xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed.

Related posts

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026
Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

March 30, 2026

Haddaba Ciidamada Qalabka Sida oo mas’uuliyaddooda koowaad ay tahay ilaalinta, midnimada, xasiloonida iyo dowladnimada ayaa isla maanta gaarey magaalada Baydhabo iyagoo ka jawaabaya rabitaanka shacabka si ay u gutaan waajibaadka loo igmadey.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay hambalyo iyo bogaadin u direysaa waxgaradka iyo shacabka reer Koonfur Galbeed ee sida diiran u soo dhoweeyay Ciidamada Qalabka Sida, waxayna ugu baaqeysaa qeybaha kala duwan ee bulshada reer Koonfuur Galbeed, inay muujiyaan degganaan, midnimo iyo wadajir, xilligan xasaasiga ah.

DFS waxay u xaqiijineysaa Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka reer Koonfuur Galbeed sida ay uga go’an tahay Ilaalinta xasiloonida, bedqabka shacabka iyo hantidooda, isla markaana aysan jiri doonin falal beegsi iyo aargudasho ah.

Previous Post

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

Next Post

FGS STATEMENT ON THE DEVELOPMENTS OF SOUTH WEST STATE

Next Post
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

FGS STATEMENT ON THE DEVELOPMENTS OF SOUTH WEST STATE

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabishay ku xigeenka xafiis...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

March 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay danjireyaasha iyo wakiillada hay'adaha caalamiga...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Wasiir ku-xigeenno

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Wasiir ku-xigeenno

March 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa soo saaray wareegto uu kumagaacabayo Wasiir Ku xigeenno cusub...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

FGS STATEMENT ON THE DEVELOPMENTS OF SOUTH WEST STATE

March 30, 2026
0

The Federal Government of Somalia has long sought to address the concerns of the South West State through measures intended...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In