Tuesday, April 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DFS oo sheegtay in maraakiib Masaari ah ay xaalufinayaan badda Soomaaliya

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
DFS oo sheegtay in maraakiib Masaari ah ay xaalufinayaan badda Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ayaa lagu sheegay in muddadii u dhaxaysay bilihii October ilaa December 2020-ka ay 37 markab oo wata calanka Masar lagu arkay iyagoo si sharci darro ah uga kalluumaysanaya xeebaha Soomaaliya.

Muuqaallo ay soo duubeen ciidamada badda ee Midowga Yurub ayaa muujinaya maraakiibta Masar oo ka kalluumaysanaya xeebaha Soomaaliya iyaga oo sita shabaagaha badda xaalaufiya, ka dibna kalluunka u diyaarainaya sidii loo iibin lahaa, ayey sheegtay dowladda Soomaaliya.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

April 13, 2026
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

April 13, 2026

Marka la raaco sharciga waddanka, biyaha xeebta Soomaaliya ee dhererkiisu yahay 24 nautical miles (nm) oo ah halbeegga lagu cabbiro dhererka badda ayaa loo qayday maraakiibta Soomaalida ee kalluumaysiga, halka 12 nautical miles loo reebay kalluumaysatada yaryar ee degaannada ku teedsan xeebaha, sida lagu sheegay war saxaafadeedka.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in labada xayndaab ee biyaha badda ee loo qayday kalluumaysata Soomaalida lagu arkay maraakiibta Masar oo ka kalluumaysanaya. Waxa ay dowladda Soomaaliya sheegtay in maraakiibta badda xaalufiya ay mamuuc ka yihiin biyaha Soomaaliya sababtoo ah waxay dhaawacayaan bay’ada kalluunka uu ku tarmo.

Ogaanshaha maraakiibka Masar ee ka kalluumaysanaya xeebaha Soomaaliya ayaa imanaysa bilo uun kadib markii sidan oo kale dowladda Soomaaliya ay sheegtay in aalad meel fog lagala socdo maraakiibta kalluumaysanaysa ay tusisay in ugu yaraan 112 doomo kalluumaysi oo Iran laga leeyahay ay sharci-darroo uga kalluumaysanayaan biyaha Soomaaliya gaar ahaan aagga dhaqaalaha.

Soomaaliya waxay sheegtay in maraakiibta lagu arkay inay sharci darro uga kalluumaysanayaan midkoodna uusan liisan ama oggolaansho ka haysan dowlada federaalka Soomaaliya.

Hannaanka liisan bixinta oo la hirgeliyey sannadii 2018-kii ayaa sheegaya in Wasaarada Kalluumaysiga Soomaaliya ay mas’uul ka tahay gacan ku haynta dhammaan wixii dhaqdhaqaaq kalluumaysi ah ee biyaha Soomaaliya.

Waxay sheegtay dawladda Soomaaliya in liisanka la siiyo maraakiibta wadata calanka shisheeye loo maamulo qaab daah furnaan leh iyadoo dhaqaalahana lala wadaagayo dhammaan lixda maamul goboleed iyo gobolka Banaadir.

Wixii shati ah ee ka baxsan nidaamkaas sharci ma aha, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya waxay ugu baaqday maraakiibta wadata calanka Masar in ay oggoaansho u helaan ka kalluumaysiga biyaha Soomaaliya. Waxay sheegtay inaysan dhaqangal noqon doonin heshiisyada aan sharciga ahayn ama aan rasmi ahayn oo hay’ado ama shabakado sharci-darro ah ay la galaan maraakiibtaas.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaaliya Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa ku baaqay in mas’uuliyinta Masar ay qaadaan tallaabooyin degdeg ah. Waxa uu sheegay in maraakiibtaas aan laga doonayn Soomaaliya, kalluumaysiga sharci-darrada ahna uu dhaawacayo dalka Soomaaliya iyadoo kalluunkii waddankana la xadayo.

Soomaaliya waxay ugu baaqday Masar inay gacan siiso baadhitaanka dowladda Soomaaliya iyadoo bixinaysa liiska maraakiibta lagu ogyahay inay ka kalluumaysanayaan xeebaha Soomaaliya, bixinaya nuqul ka mid ah dhammaan shatiyada ay wataan maraakiibta sita calanka Masar iyo shaqaalahooda, xaqiijiyaan in maraakiibtaas sita calanka Masar loo oggolaaday inay kan kalluumaystaan meel ka baxsan biyaha Masar, sidoo kalena keenaan nuqulka heshiisyada la xiriira shatiyada la bixiyey.

Waxay sidoo kale Wasaaradda Kalluumaysiga Soomaaliya ka dalbatay Masar inay gacanta ku dhigaan maraakiibtooda kalluumaysi ayna xaqiijiyaan in markab kasta oo sharci darro ah uu degdeg uga baxo biyaha Soomaaliya.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo daah furay Hay’adda Tayo Dhowrka Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Next Post

Kumandooska Danab oo fuliyay howlgal khasaare badan loogu geystay Alshabaab +Sawirro

Next Post
Kumandooska Danab oo fuliyay howlgal khasaare badan loogu geystay Alshabaab +Sawirro

Kumandooska Danab oo fuliyay howlgal khasaare badan loogu geystay Alshabaab +Sawirro

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

April 13, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cabdulqaadir Cilmi, ayaa maanta ka qaybgalay kulan ku saabsan doorka...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

April 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali ayaa kulan kula yeeshay xarunta...

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud

April 13, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa lagu ansixiyey Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka...

Xuseen Iidow oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ew Hay’adda Socdaalka

Xuseen Iidow oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ew Hay’adda Socdaalka

April 13, 2026
0

Golaha Wasiiradda XJFS ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay magacaabista Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, xilkaas oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In