Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhagarqabe ka tirsanaa UGUS oo ku dhintay qarax uu isku xirayay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Dhagarqabe ka tirsanaa UGUS oo ku dhintay qarax uu isku xirayay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dhagar qabe katirsanaa Maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab oo Doonayay inu isku qarxiyo bulshada dhaxdooda ayaa ku dhintay intii uu isku xirayay Qaraxa, waxayna dhacdadaasi ka dhacday Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir gaar ahaana halka loo yaqaan Masjidka Cali Geeddi.

Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Somaaliyeed Sareeya Guuto C/raxmaan Maxamed Tuuryare Cumda oo ay wehliyeen Saraakiil ka tirsan hay’adda ayaa kormeer ku tagay Halka uu ku qarxay dhagarqabaha katirsanaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee doonayay inuu dhibaateeyo shacabka Somaaliyeed balse isaga naftiisa ku waayay.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026

Intaasi kadib ayaa Ciidamada Nisa waxay qabteen Xaaska dhagarqabihii geeriyooday iyo Gabar la dhalatay,nin Mooto Bajaaj ku qaadi rabay iyo Malkiilaha Guriga uu deganaa ninka dhintay.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha Maxamed Yuusuf Cismaan oo Saxaafada kula hadlay irida guriga uu deganaa dhagarqabaha Naftisa haligay ayaa waxa uu sheegay in Guriga ay lawareegtay Dowaldda Somaaliya gaar ahaan Hay’ada Nabadsugida iyo Siroonka islamarkaana baaris lagu sameynayo kuwa gacanta lagu hayo.

“sidaa ujeedaanba maanta Ciidamada Amniga waxay kahortageen islamarkaana ay kahortageen inuu dhaco dhib ay Kooxda Ugus la damacsanaayen bulshada maanto jimco ah oo dadka dhan sahqooyinka ka nasanayaan midkamid ah dhagarqabayaasha Ugus uu rabay  intuu umada dhaxtago inuu isku qarxiyo qaar kamid ah Ciidamada nisa oo rondo ugu socday meelaha ka baxsan magaalada nin dhalinyaro ah oo 17-jir ah oo la yiraahdo Mustfa Ibraahim Cali ayaa geed hoostiisa geedka loo yaqaana Cal garoobka rabay inuu iskulasoo xiro waxyaabaha qarxa suun ah oo dhaxda uu ku xiranaayay markii uu arkay askari katirsan nisa oo askarigiina uu weydiiyay meesha maxaa ugu jirtaa markiiba waxaa qarxay ninkii dhalinyarada ahaa ee la dhihi jiray Mustfa Ibraahim Cali afrax oo sidaa aragteenba ukala go’ay dhowr cad ciidanka markiiba baaris ayay sameeyen waxay qabteen ninkii mootada ku qaadi lahaa oo geyn lahaa meel ay dadka ku badan yihiin ” ayuu yiri Afhayeenka

Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdioonka Qaranka iyo Ciidanka Boliska ayaa lagu arkayaa wadooyinka Caasimada Muqdisho si ay u sugaan Amniga halka ciidama kalana ay ku roondeeyaan Xaafadaha iyagoo kahortgaya Qaraxyada iyo dilalka mararka qaar Maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab ka geystaan Magaalada Muqdisho.

Previous Post

Dhageeyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Horyaalka 16-aad ee ciyaaraha kubbada gacanta oo maanta ka furmay Muqdisho+Sawirro.

Next Post
Horyaalka 16-aad ee ciyaaraha kubbada gacanta oo maanta ka furmay Muqdisho+Sawirro.

Horyaalka 16-aad ee ciyaaraha kubbada gacanta oo maanta ka furmay Muqdisho+Sawirro.

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In