Wednesday, March 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhageysiga dacwad loo heysto eedeysane Sayid-Cali oo la soo gaba-gabeeyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Dhageysiga dacwad loo heysto eedeysane Sayid-Cali oo la soo gaba-gabeeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa soo gaba-gabeysay dhageysiga dacwad loo heysto eedeysane Sayid Cali Macalim Daa’uud oo ku eedeysanaa In uu gubay Xaaskiisa Alle ha u naxariiste Luul oo u dhimatay dhaawacii kasoo gaaray.

Marqaatiyaal uu keenay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa la horkeenay Maxkamadda kuwaasi oo ka jawaabay wixii ay goob joogga u ahaayeen ama maqleen.

Related posts

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 3, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado  biyo ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado biyo ah

March 3, 2026

Maxkamadda ayaa dhageystay oo Su’aalo waydiisay Sayid Cali Macalim Daauud waxaa uu sheegay in xaaskiisa sababta uu u gubay in ay tahay asaga oo ka maseeray isla markaana murankii ka dhashay uu keenay dabka in uu qabad siiyo guriga balse waxaa uu ku dooday ujeedkiisu in uusan aheyn in uu dilo xaaskiisa, asaga oo ka jawaabaya mid ka mid ah su’aalaha ayaa yiri ” Xaaskeyga waan jeclahay, waxaan na dhexmaray muran, waxaa ay igu tiri nin kale ayaan guursanaya ee iska keey fur anna waan xanaaqay nafto ayaan soo gatay, waana ku gubay qol alaabta taalay ayada ayaana gashay dabka lakiin in aan badbaadiyo ayaan isku dayay.”

Xeer Ilaaliye ku xigeen Yaxye Maxamuud Saciid oo soo gaba-gabeeyay doorka Xafiiska ee dacwad oogista ayaa ka codsaday Maxkamadda in lagu xukumo dil toogasho ah oo ah qisaasta Luul Cabdicasiis.” Waxaan Maxkamadda ka codsanayaa in dil toogasho ah ku xukunto, kaasoo ah qisaasta Luul Cabdicasiis”

Abuukaate Xalane oo ah qareenka difaacayay ayaase qaba in uusan dambiile aheyn Eedeysane Sayid Cali isla markaana uusan galin dambiga loo maxkamadeynayo ”Madaama aysan jirin cid si dhab ah u cadeyn karta, Luul ayada ayaa isgubtay,waxaana codsanayaa in Eedda xafiiska Xeer Ilaaliyaha la burburiyo.”

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud Sabaan ayaa sheegay in in dacwadda uusoo gaba-gabeeyay xukunkana ay dhawaan soo saari doonto.” Maanta waxaan soo xernay gal dacwadeedka sumadiisa tahay, 147/2024 waxaana dhawaan soo saari doona xukunka go’aanka Maxkamadda.”

Maxkamadda waxaa soo xaadiray boqolaal qof oo daneynayay sida dacwadda u socotay, ehaladda Luul ayada oo warbaahinta toos looga daawanayay.

Previous Post

Xildhibaannada Labada Gole oo dood adag ka yeeshay Cutubka 2aad ee Dastuurka KMG

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Shirweynaha 6-aad ee Ururka QM u qaabilsan Deegaanka

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Shirweynaha 6-aad ee Ururka QM u qaabilsan Deegaanka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Shirweynaha 6-aad ee Ururka QM u qaabilsan Deegaanka

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 3, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado  biyo ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado biyo ah

March 3, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Abaaraha Galmudug, ayaa maanta gaaray Degmada...

Abshir Cukaash oo dil toogasho lagu xakumay

Abshir Cukaash oo dil toogasho lagu xakumay

March 3, 2026
0

Abshir Cukaash Cabdi oo Ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa lagu eedeeyay In uu si kas ah u dilay Daahir...

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐄𝐫𝐠𝐚𝐲𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦ad𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐄𝐫𝐠𝐚𝐲𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦ad𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲

March 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa xafiiskiisa kula kulmay Ergayga Gaarka ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In