Waxaa maanta magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ka bilaawday dhageysiga khudbadaha xubnaha murashaxiinta u taagan xilka Aqalka Sare ee maamulka Puntland.
Murashaxiinta ayaa haatan waxa ay khudbadahooda ka hor jeedinayaan mudanayaasha baarlamaanka maamulka Puntland, si ay u soo bandhigaan waxqabadooda ku aadan gudashada waajibaadkooda Aqalka Sare ee dowladda Soomaaliya.
Bari oo ay taariikhdu ku beegan tahay 20/10/2016 ayaa lagu wadaa in baarlamaanka Puntland ay doortaan xubnaha Aqalka Sare umatalaya dowlad goboleedka Puntland.