Guddiga Madaxa banaan ee dooroshoyinka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in ay isku diyaarinayaan in Dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo Cod ah marka la gaaro Sanadka 2021 doorashaas oo la qorsheyay in ay ka duwanaato kuwi horay uga dhici jiray Dalka iyadoo Guddigu madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ay mudooyinkaan ku howlanaayeen diyaarinta hananka loo marayo doorashoyinka Dalka.
Sayid cali shiiq maxamed gudoomiye ku xigeenka gudiga badaxa banan ee doorashooyinka qaranka iyo Khaliif Maxamed Ducaalela taliyaha dhinca sharciga gudiga badaxa banaan oo maanta ka qeyb galay Barnaamijka Kulanka Todobaadka Warbaahinta Qaranka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay waxyaabaha u qabsoomay gudiga iyo waxyaabaha ay hiigsanayaaan Sanadka 2021 oo Dowladda Soomaaliya ay sheegtay in Dalka ka dhacayso doorasho
Marka lagaaro Sanadka 2021 ayaa waxaa lagu wadaa in ay Dalka ka dhacdo doorosho qof iyo Cod ah waxaana jira u diyaar garoow xoogan oo ay wadaan guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranku.
halkaan hoose ka dhageyso: