Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhageyso:-Horjoogihii Kooxda Daacish ee Gobalka Baay Iyo Maleeshiyadkiisii Oo La Qabtay+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Dhageyso:-Horjoogihii Kooxda Daacish ee Gobalka Baay Iyo Maleeshiyadkiisii Oo La Qabtay+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliska Ciidanka Nabadsugidda Gobalka Baay ayaa magaalada Baydhabo ku soo bandhigay Afar ruux oo ay ku sheegeen in ay ka tirsanyihiin Kooxda Daacish ee ka dagaalanta Buuraha Galgala ee gobalka Bari u qaabilsanaa Gobalka Baay.

Maleeshiyaadka la qabqabtay ee uu soo bandhigay Taliska nabadsugidda Koofur Galbeed ayaa lagu kala magacaabaa Cali Maxamed Gaaboow Wakiilka Kooxda Daacish ee Gobalka Baay, Mahad Nuux Siidoow, Sameyta iyo diyaarinta Qaraxyada Macmalka, C.casiis Xasan Mursal Jabhadaha, iyo Maxamed Sh Isaaq oo Bambo tuurka qarxinta miinooyinka qaabilsan.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026

Cali Maxamed Gaaboow oo sheegtay in uu wakiil u ahaa Kooxda Daacish ayaa SONNA u sheegay in Afar Sano uu al-shabaab ka tirsanaa una qaabilsanaa dhinaca dagaal galinta kana Shaqeynjiray Ceelasha illaa iyo Marko, Balse mar dambe uu is fahmi waa soo kala dhexgalay kadibna uu ku biiray Kooxda Daacish.

“Amiir Xasiira ayaa Al-shabaab la iiga dhex yaqaanay, shir ayaan Ceelasha biyaha ku qaadanay aniga waxaa la ii xilsaaray wixii markaas ka dambeysay Amiirka Daacish ee gobalka Baay kadib markii aan isfahmi weynay”.

Saraakiisha Ammaanka Koofur Galbeed ayaa SONNA u sheegay in Shabakaddaan la qabtay Afar Maalin ka hor, islamarkaana si qarsoodi ah uga dhex shaqeysanayay Magaalada Baydhabo, markii xogtooda laga war helayna ay ciidamada Ammaanku gacanta ku dhigeen.

Qaar kamid ah Maleeshiyaadka la qabtay ayaa sheegay in ku biiritaanka kooda al-shabaab ay ku tashkiiliyeen kooxo ku sugan deegaanada gobalka bari kuwaas oo ay xuseen in taleefoon ay kusoo waceen.

Dowladda Mareykanka ayaa Isbuucaan Horraantiisii liiska Argagixisada ku dartay Horjoogaha Kooxda Daacish Cabdulqaadir Muumin, kaas oo sheegtay in uu yahay Hoggaamiyaha Daacishta Soomaaliya.

vlcsnap-2016-09-02-11h07m41s44 vlcsnap-2016-09-02-11h08m08s198 vlcsnap-2016-09-02-11h09m04s117 vlcsnap-2016-09-02-11h09m24s29

Dhawgeyso Warbixinta uu ka Diyaariyay Wariyaha Warbaahinta Qaranka Ee Gobalka Baay Siraaji Sh Isxaaq.

http://sonna.so/wp-content/uploads/2016/09/warbixin-Siraaji-Baydhabpo-jimaco.mp3
Previous Post

Daawo Sawirrada: Guddiga Doorashooyinka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe oo tababar u soo xiray odayaasha dhaqanka

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In