Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Care ayaa waxaa looga hadlaayey sida ugu Haboon ee wax looga qaban karo Baahiyadda dhanka adeegyada aasaasiga ah ee nolosha bini aadamka ay u baahanyeen in ay helaan barakacayaasha ku sugan deegaanadda Galmudug.
Kulankan ayaa Waxaa ka Qeyb Galay Xubno ka Socday Wasaaradaha Galmudug Qaarkood iyo masuuliyiinta maamulka Gobolka Mudug iyo Kan Magaalada Gaalkacyo dhanka Galmudug iyo Saraakiil ka Socotay Maamulka hay’adda Care.
Masuuliyiinta kulanka Kasoo qeyb galay ayaa hoosta kawada Xariiqay in ay muhiim tahay in la garab istaago Barakacaalka ku sugan gudaha dalka Soomaaliya kuwa gudaha Kasoo Barakay iyo Kuwa kasoo laabanaayo Dalalka Deriska Ah.