Guddoomiyaha Degmada Hobyo ee Maamulka Galmudug C/llaahi Axmed Cali Faad oo la hadlay Saaka Barnaamijka Subax wanaagsan ee ka baxa Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay wafuud ka socota Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Galmudug oo Maanta ku wajahan Magaalo xeebeedka Hobyo.
C/llaahi Axmed Cali Faadย Guddoomiyaha Degmada Hobyo ee Maamulka Galmudug wareysi uu siiyayย Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayuu ku sheegay in waftigaan ka socda Dowladda dhexe iyo Galmudug ay ka qeyb gali doonaan Manuusabada soo gaba gabaynta dhismaha wadada isku xirta Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo.
Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa wax ka weydiidayย Guddoomiyaha Degmada Hobyo ee Maamulka Galmudug C/llaahi Axmed Cali Faad wajiga xiga isagona sheegay inuu dhawaan bilaaban doono dhismaha wajigii labaad wadadaasi oo ka bilaaban doona sida uu sheegay Degaanka Wasil oo Gaalkacyo u jira 200 oo km.
Guddoomiyaha Degmada Hobyoย C/llaahi Axmed Cali Faad ayaa u mahad celiyay cidkasta oo gacan ka gaysatay dhismaha wadadaasi oo muhiim u ahayd bulshada Gobolka.
Halkaan hoose ka dhageyso Codka Guddoomiyaha: