Iyadoo deegaano dhaca koonfurta iyo bartamaha Dalka ay ka jirto Abaar saamaysay dadka iyo duunyada ay dhaqdaan ayaa waxaa aka mid ah deegaanada ay abaartu saamayn xun ku yeelatay bulshada ku nool Gobolka Galguduud gaarahaan deegaanka Xeraale oo ka mid ah deegaanada dhaca waqooyiga Galguduud.
C/laahi Cismaan Cali oo ka mid ah waxgaradka Xeraale oo la hadlay Radio Muqdishu Codka Jahmuuriyada Soomaaliyaa ayaa sheegay in ay bulshada deegaanku ku nool yihiin Xaalad aan wanaagsanayn ayna jiraan Cuduro soo wajahay qoysaska ka barakacay abaarta Dalka ka jirta.
Deegaanka Xeraale ee Waqooyiga Gobolka Galguduud waxaa uu ka mid yahay deegaanada hoyga u noqday boqolaal qoys oo kasoo hayaamay abaarta.
Dhageyso Nabadoon C/laahi Cismaan Cali: