Wednesday, October 22, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhalinyarada Soomaaliyeed oo laga waaniyay si xun u isticmaalka baraha Bulshada 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
1 year ago
in Wararka
0
Dhalinyarada Soomaaliyeed oo laga waaniyay si xun u isticmaalka baraha Bulshada 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shaki kuma jiro in baraha bulshada ay noqdeen qayb weyn oo ka mid ah nolosha casriga ah, horumarka tiknoolajiyadda awgeed barahaha bulshada, ayaa noqday mid cid waliba heli karto, in kastoo ay dhinacyo togan ay leeyihiin isticmaalka barahani haddana waa seef laba af leh.

Inkastoo, Baraha bulshada ay yihiin aalad awood leh oo lagu sameeyo xiriirro macno leh haddana dhanka kale, waxaa jira saameyn xun oo ka dhalata isticmaalka badan gaar ahaan Aaladda Tiktok oo maalmihii u dambeeyay ay soo bateen macluumaadka aan wanaagsaneyn ee lagu faafiyo.

Related posts

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania iyo EAC oo laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ee dalka DRC Congo

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania iyo EAC oo laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ee dalka DRC Congo

October 21, 2025
Wasaaradda Ganacsiga oo bogaadisay tallaabada uu Golaha Shacabka ku ansixiyay heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah

Wasaaradda Ganacsiga oo bogaadisay tallaabada uu Golaha Shacabka ku ansixiyay heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah

October 21, 2025

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ku bixineysa sidii bulshada looga wacyigelin lahaa khaladaadka ka dhaca baraha bulshada.

Wasiirka dhallinyarada iyo Cayaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud, ayaa isagoo ka hadlayay Barnaamijka dood furan oo ay qabatay Wasaaradda Warfaafinta wuxuu ku sheegay in inta karaankooda ah ku dadaalayaan sidii dhallinyarada looga wacyi-gelin lahaa si xun u isticmaalka baraha Bulshada oo Tiktoka ugu horeeyo.

” Wasaaradda inta karaankeeda ah ama tabarteeda gaarsiisan tahay maanta ma islihi wax ay dhallinyarada Soomaaliyeed ka hagratay, ayaa jiro heerka awooddeena gaarsiisan tahay, ayaan dadaal dheeri ah, ku dari doonaa marka xaggaas gaabis kama jiro, laakiin, waxaa iska jira culeys guud, waxaa jira dhallinyarada fursadihii shaqo ama saaxaddii shaqo ay u baahnaayeen in ay ka helaan dalkooda iyo baahida tababarada dowladdooda marka la fiiriyo runtii wax isku dhow ma ahan, marka aad fiiriso xaddiga iyo barsanteejka dhallinyarada aqoonyahanada ah ee Jaamacadaha ka soo baxa ee sanad kasta labaatan kun ka badan ka soo baxda iyo suuqa shaqada waxa yaala,”.

Sidoo kale, wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaalla, ayaa dhankiisa sheegay in ka wasaarad iyo dowlad ahaanba ay ku baraarugsan yihiin halista ka dhalan karta isticmaalka xun ee baraha Bulshada, wuxuuna carabka ku adkeeyay in ay wadaan qorshe ay kaga hortagaan dadka fara ku tiriska ah ee macluumaadka iyo xogaha aan sugneyn faafinaya ama ka beeray dhaqankeenna suuban.

” Waxa aan ka hadleynaa waa inta yar ee sida qaldan u isticmaasha, nolosha waxa caadiga ah ee dadka bini-aadamka ka barteen waxaa waaye waxa xun iyo waxa wanaagsan markasta waxaa xawaara dheereeya waxa xun, marka waxaa laga yaabaa boqolaal qof in ay runtii fariimo wanaagsan gudbiyaan laakiin hal fariin oo xun in ay ka saameyn badan tahay, waxaa runtii wasaarad ahaan bilihii la soo dhaafay ku mashquulsaneyn arrintaan inaan daraaseyno, waxaanna ogaanay in ay inoo soo baxday runtii oo dareensan nahay halis weyn oo haddii aan maareyn dadka Soomaaliyeed sida ay mudan tahay ugu baraarugin oo dowlad iyo dad ahaan iskaashanin nagu yeelan doonto saameyn aad u xun oo natiijadeedu hadda iyadoo ficil ah bilaabatay,”.

Sheekh Suldaan Cabdiqani Qorane ayaa hoosta ka xariiqay in saameynta si xun u isticmaalka baraha Bulshada ay ka dhalan karto khatar amni oo ay ganbaad ka dhigtaan kooxaha Khawaarinta.

” Khatarta amni ee baraha Bulshada waxaa kow ka ah in ay keyn u tahay kooxaha Khawaarijta ee lidka ku ad Diinteenna suuban,” ayuu yiri Sheekh Qorane oo dhallinta Soomaaliyeed u iftiiminayey in ay dhanka wanaagsan ka eegaan isticmaalka baraha Bulshada oo ah seef labo af-leh.

Ugu dambeyn, qaar ka mid ah dadkii ka soo qeyb galay Barnaamijka ee Dood-furan ayaa fikirkooda ka dhiibtay qaabka iyo hanaanka ugu fudud ee dhallinta loogu jiheyn karo in ay si wanaagsan oo faa’ido u leh adduunkooda iyo Aakhiradoodaba u isticmaalaan baraha Bulshada, waxaana dadka baraha bulshada isticmaala gaar ahaan Aaladda Tiktoka ee goobta ka hadlay ka mid ah Bilaal Bulshaawi oo caan ka ah baraha bulshada.

” Aaaladda Tiktok waa ka saameyn badan tahay Aaladaha kale, Dowladdu ha timaado Aaladda Tiktok si ay u aragto dadka sida khaldan u isticmaala,” ayuu yiri Bilaal Bulshaawi.

Waxaa sanadihi danbe soo badanayey isticmaalka Baraha Bulshada ay isticmaalaan soomaali badan gaar ahaan Tiktok , Facebook, Youtube iyo Snapchat, Twitter iyo qaar kale oo badan, waxayna qabiiriinta internetka sheegaan in isticmaalka Baraha Bulshada ay leeyihiin faa’ido iyo qasaare labadaba.

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Beijing kaga qeybgalayo Madasha Iskaashiga Carabta iyo Shiinaha

Next Post

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka hadlay sanad- guuradii 24aad ee aasaaska Isbitaalka Madiina 

Next Post
Wasiirka Amniga Gudaha oo ka hadlay sanad- guuradii 24aad ee aasaaska Isbitaalka Madiina 

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka hadlay sanad- guuradii 24aad ee aasaaska Isbitaalka Madiina 

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania iyo EAC oo laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ee dalka DRC Congo

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania iyo EAC oo laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ee dalka DRC Congo

October 21, 2025
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Tanzania iyo EAC Mudane Ilyas Cali Xasan, ayaa waxaa waraaqaha aqoonsiga danjirnimo ee dalka DRC...

Wasaaradda Ganacsiga oo bogaadisay tallaabada uu Golaha Shacabka ku ansixiyay heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah

Wasaaradda Ganacsiga oo bogaadisay tallaabada uu Golaha Shacabka ku ansixiyay heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah

October 21, 2025
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Mudane Maxamuud Cabdullahi Axmed (Abukaate), ayaa bogaadiyay tallaabada uu Golaha...

Soomaaliya iyo FAO oo ka wada hadlay sidii laysaga kaashan lahaa mashaariicda mustaqbalka

Soomaaliya iyo FAO oo ka wada hadlay sidii laysaga kaashan lahaa mashaariicda mustaqbalka

October 21, 2025
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Mudane, Maxamed Shire ayaa la kulmay Wakiilka FAO ee Soomaaliya,...

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

October 20, 2025
0

Waddada Dimuquraaddiyadda. Waxaa lasii daayay tiradii ugu horaysay ee Caasimadda Muqdisho isku diiwaangalisay in ay codeeyaan inka badan 50 sano...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In