Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka hadlay sanad- guuradii 24aad ee aasaaska Isbitaalka Madiina 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
May 29, 2024
in Wararka
0
Wasiirka Amniga Gudaha oo ka hadlay sanad- guuradii 24aad ee aasaaska Isbitaalka Madiina 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag),ayaa sheegay in Caafimaad la’aan aysan jirin wax barasho, amni iyo horumar toona .

Wasiir Fartaag oo ka hadlayay munaasabad lagu xusayay sanad-guurada 24-aad ee dib u howlgelinta Isbitaalka Madiina oo hoos taga Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa intaa ku daray in uu ka wasiir ahaan isu xil qaamayo tayaynta Isbitaallada danta guud xukuumadda Dan Qaranna ay il gaara ku eegi doonto.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

“Xukuumadda Dan Qaran Tiirkeeda koobaad wuxuu ahaa amniga, kan labaadna Waxbarashada, kan saddexaad waxaannu ka dhigi doonna Caafimaadka anoo la kaashanayo madaxda sare ee dowladda, maxaa yeelay haddaanu Caafimaad jirin Waxbarasho ma jirto, haddaanu Caafimaad jirin amni ma jiro, horumarna ma jirayo, maxaa yeelay maskax Caafimaad qabto ayaa wax hoggaamin karto.

Wasiirka ayaa ku bogaadiyey maamulka iyo howlwadeennada Isbitaalka Madiina, howsha muhiimka ah ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed, xilliyadii adkaa ee la soo maray iyo haatan oo uu dalku dib u soo kabanayo.

Wasiir Fartaag, ayaa tilmaamay in sbitaalka Madiina uu tusaale u yahay sida ay Booliska Soomaaliyeed ugu heellan yihiin horumarinta caafimaadka bulshada.

Munaasabadda, ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Xildhibaano, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, saraakiil, dhakhaatiir iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan qeybaha bulshada.



Previous Post

Dhalinyarada Soomaaliyeed oo laga waaniyay si xun u isticmaalka baraha Bulshada 

Next Post

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qeybgalayo Shirka Iskaashiga Wasiirada Maaliyadda ee Dalka Geeska Africa

Next Post
Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qeybgalayo Shirka Iskaashiga Wasiirada Maaliyadda ee Dalka Geeska Africa

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qeybgalayo Shirka Iskaashiga Wasiirada Maaliyadda ee Dalka Geeska Africa

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In