Saturday, May 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhalinyarada SYL II oo bandhig ballaaran oo Fantasiyo ah ku soo bandhigay Garoonka Ex Luujino “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 1, 2015
in Wararka
0
Dhalinyarada SYL II oo bandhig ballaaran oo Fantasiyo ah ku soo bandhigay Garoonka Ex Luujino “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dhalinyarada Ururka SYL-II uu xirfadaha u abuuray ayaa waxay munaasabad fantasiyo ciyaaro kala duwan ay ku soo bandhigeen Garoonka Ex Luujino ee degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir, waxaana bandhigan uu ahaa kii u horeeyay noociisa oo ay isugu yimaadaan boqolaal dhalinyaro

Munaasabadaan ayaa waxay ka koobneyd qeybo kala duwan oo isugu jiray heeso, ciyaaro dhaqan, majaajilo iyo ciyaaraha kubadda gacanta oo ay wada ciyaareen kooxaha Heegan iyo Horseed, waxaana dhalinyaradan ay tiradooda gaareysay ilaa 2000, kuwaasoo ka kala yimid gobolada SYL-II ay ka shaqeyso oo dhan sida Banadir, SH/hoose, Bay iyo Bakool.

Related posts

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

May 9, 2025
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

May 9, 2025

Dhalinyaradaan ayaa Waxay kasoo kala jeedeen deegaanno kala duwan dhan walbo, iyadoo ujeedada fantasiyahan uu ahaa In dhalinyarada SYL-II ay xirfadfaha u abuurtay oo dhan ay isugu yimaadaan hal meel oo qura oo ayna wadagaan farxad iyo in ay muujiyaan is-dhexgalka qiimaha uu leeyahay.

Sidoo kale waxaa fantasiyahan uu xambaarsanaa hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, ciyaaro xiiso badan, sida Kubada Gacanta oo ay ku loolamayeen Kooxaha Gabdhaha ee Heegan iyo Horseed, waxaana Koobkan uu ahaa koobka nabada.

Dhalinyarada SYL-II ayaa ku muujiyay fantasiyahan isku xirnaan iyo walaaltinimo, waxaana ka muuqatay in waxqabadkii uu ururkan u sameeyay dhalinyarada Soomaaliya mid miro dhal ah oo guul hiigsaday, waxaa SYL-II ay u noqotay guul waxqabadkeeda ah  iyo  in ay muuqato xiriirka ay la leedahay dhalinyarada ay soo tababartay 4-tii sano ee la soo dhaafay iyadoo dhalinyaradu wixii ay SYL-II ku barbaarisay soo bandhigaayaan

Ururka dhalinyarada SYL-II waxuu u sameeyay dhalinyarada shabakado kala duwan oo isku xirkooda qeyb weyn ka qaatay in iyaga dhexdooda ay isku xirnaadaan iyo waliba in ay SYL-II ku xirnaadaan.

Dufcad kasto waxay leedahay madal oo ay wax walbo oo xog ah ku wadagaan ama isku dhafsadaan dhexdooda iyo SYL-II gobol kasto ay joogaan.

Waxaa kaloo SYL II ay ka rumeysay oraahdeeda ahaa “Ka  timid Dhalinyaro, Ku socoto Dhalinyaro” By the Youth, for the Youth” sababtoo ah dhalinyarada iyagaa abaabulay munaasabadan  isku imaanshaha ah oo ay ku wadaagayeen fantasiyahan, maadaama ay SYL-II u abuurtay xirfado kala duwan sida in ay iyaga wax ka abaabuli karaan, bandhiga ay sameynsan karaan, aragtidooda ay soo bandhigi karaan.

“Waxaa SYL-II farxad u ah in ay gaartay  hadafkii ay ka lahayd dhalinyarada in ay gaaraan. Dhalinyarada ka kala timid Gobolada Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose waxaa marti geliyay kuwa ku nool gobolka Banaadir oo siiyay hooy iyo cuntaba iyadoo sida loo kala dhaqaale roon yahay u kala qeybsaday martidooda uga timid gobolada maadaama maalinimada ay yimaadeen barnaamijka uusan qabsoomi Karin iyo sidoo kale iyaga ayaa si wadajir ah iskala qayb qaatay abaabulka barnaamijkaan isku imaashaha iyo waqti isla qaadashada”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Ururka SYL II oo looga hadlayay bandhigan fantasiyaha ciyaareed ee lagu qabtay Garoonka Ex Luujino.

Ugu dambeyn Natiijada laga filayay barnaamijkan ayaa ahaa sidii SYL-II ay u noqon laheyd marqaati in ay gaartay wax la taaban karo, In ay cadaato SYL-II in ay saameysay dhalinyaro aan isku deegaan ahayn, aan isku qabiil ahayn hadana isku xiran oo is jecel nololshooduna ay bedelantay iyo waliba aragtidooda waxa ay aaminsanaayeen.

20141231_160913 20141231_161525 20141231_161640 20141231_163443 20141231_164421 20141231_164426 20141231_164812 20141231_164814 20141231_165313 20141231_165336 20141231_165339 20141231_165358 20141231_165429 20141231_165444 20141231_165642 20141231_165707 20141231_165856 20141231_170057 20141231_170244 20141231_170404 20141231_170427 20141231_170553 20141231_170940 20141231_171017 20141231_171300 20141231_171309 20141231_171310 20141231_171311 20141231_171450 20141231_171514 20141231_172202 20141231_173640 20141231_173719 20141231_174136 20141231_174256 20141231_174351 20141231_174355 20141231_174442 20141231_174515 IMG_2172 IMG_2887 IMG_2889 IMG_2892 IMG_2915 IMG_2932 IMG_2939 IMG_2940 IMG_2945 IMG_2965

Previous Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Ciidamada Xoogga Dalka Oo Shabeelaha Hoose Ku Dilay Horjoogihii Shabaab Degmada Kuntuwaarey iyo Deegaannada Hoosyimaada

Next Post
Ciidamada Xoogga Dalka Oo Shabeelaha Hoose Ku Dilay Horjoogihii Shabaab Degmada Kuntuwaarey iyo Deegaannada Hoosyimaada

Ciidamada Xoogga Dalka Oo Shabeelaha Hoose Ku Dilay Horjoogihii Shabaab Degmada Kuntuwaarey iyo Deegaannada Hoosyimaada

ogeysiis dadweyne

ogeysiis dadweyne

May 9, 2025
0

Lifaaqa 3 - Ogeysiis Dadweyne   Lifaaqa 4 - Application Form_SOM

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

May 9, 2025
0

Ugu yaraan 48 qof ayaa la soo wariyay in ilaa hadda la dilay ,iyadoo 32 ka mid ah lagu dilay...

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

May 9, 2025
0

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud oo la hadlay wabaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay dhibaatooyinka gaarka ah...

Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay inay shaqaaleysiiso ku dhawaad 10-kun oo dhalinyaro ah

Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay inay shaqaaleysiiso ku dhawaad 10-kun oo dhalinyaro ah

May 9, 2025
0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada XFS ayaa horumar ka sameysay heshiiska shaqaaleysiinta dhallinyarada Soomaaliyeed, si kor loogu qaado fursadaha shaqo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In