Friday, March 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhallinyaro ku baaqay in lajoojiyo dagaal beeleedyo ka soo cusboonaaday Shabeellaha dhexe+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Dhallinyaro  ku baaqay in lajoojiyo dagaal beeleedyo ka soo cusboonaaday Shabeellaha dhexe+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dhallinyaradaan ayaa isugu yimid inay ka dhiidhiyaan dagaallo ka soo cusboonaaday Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan Degmada Warshiiq iyo deegaanno hoostaga waxaana ay ugu baaqeen dadka walaalaha ah ee dagaallamaya inay si sharuud la’aan ah ku joojiyaan dagaalka micna darradaha iyadoo sidoo kale lagu jiro bishii cibaadada ee Ramadaanka.

Kulanka ay ku yeesheen  magaalada Muqdisho waxaa kala qeyb-galay Guddoomiyaha Ururka dhallinyarada Gobolka Banaadir Cabdikaafi Maxamuud Makaraan isagoo bogaadiyay in dhallinyarada ay u hormuud u  noqdaan nabadeynta iyo hormarinta dalka maadaama ay yihiin mustaqbalka dalkaan uu heysto

Related posts

Wasiirka Xuquuqul Insaanka XFS oo Geneva ku guddoomisay kulan looga hadlayay Horumarinta Xuquuqda Aadanaha

Wasiirka Xuquuqul Insaanka XFS oo Geneva ku guddoomisay kulan looga hadlayay Horumarinta Xuquuqda Aadanaha

March 13, 2026
Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

March 13, 2026

Dhallinyarada soo qaban qaabiyay oo dhammaan ay ahaayeen aqoonyahanno ayaa sheegay in xilligaan loo baahanyahay in laga shaqeeyo hormarka deegaanka iyagoo tacsi u hiray dadkii ku dhintay iyo inta waxyeelo ay ka soo gaartay.

“Waxaan ka dhiishineynaa sida aan uga xunahay dagaalka kasoo cusboonaaday degmada Warshiiq iyo deegaano kale kuwaasi oo ah dagaallo jahli ah maxaa yeelay xilli dagaal laguma jiro, waxaana ka doorbineynaa sidii aan uga shaqeyn laheyn danaha iyo hormarka deegaanka iyo sidoo kale la jaan qaadida Magaalooyinka kale ee dalka”sidaas ayay yiraahdeen qaar ka mid dhalinyada aqoonyahanada ee kasoo horjeestay dagaalka.

Eng.Cabaas Cabdiraxmaan Xuseen oo ka mid agaasinka madasha oo la hadlay warbaahinta kulanka kaddib ayaa u akhriyay qoddobadii shirka kasoo baxay oo dhallinuyaradu isla garteen.

“Ugu horeyn Waxaan ka tacsiyadeyneynaa dadkii ku dhintay iyo sidoo kale dadka waxyeeladu kasoo gaartay waxaana leenahay dagaal wiil kuma dhashee wiilbaa ku dhintay sidaa daraadeed waxaan leenahay labada dhinac ee walaalaha ha isdilina, joojiya dagaal aan micno ku fadhinin”Sidaas waxaa yiri Cabaas Cabdiraxmaan Xuseen oo warsaxaafadeedka u akhriyay.

Tags: Dhalinyaro ku baaqay in lajoojiyo dagaal beeleedyo ka soo cusboonaaday Shabeelaha dhexe+Sawirro
Previous Post

Maamulka Gobolka oo garab istaagay dadkii ay saameeyeen Roobaabki ka da’ay Muqdisho+Sawirro

Next Post

Wabiga Shabeelle oo ku fatahay dhammaan Xaafadaha Baladweyne+sawirro

Next Post
Wabiga Shabeelle oo ku fatahay dhammaan Xaafadaha Baladweyne+sawirro

Wabiga Shabeelle oo ku fatahay dhammaan Xaafadaha Baladweyne+sawirro

Wasiirka Xuquuqul Insaanka XFS oo Geneva ku guddoomisay kulan looga hadlayay Horumarinta Xuquuqda Aadanaha

Wasiirka Xuquuqul Insaanka XFS oo Geneva ku guddoomisay kulan looga hadlayay Horumarinta Xuquuqda Aadanaha

March 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland...

Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

March 13, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka XFS, Maxamed Xaashi Carabey oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay sare u kaca...

Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhaha oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhaha oo lagu qabtay Muqdisho

March 13, 2026
0

Mas'uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay xaflad lagu maaamuusaayey maalinta caalamiga ah ee wacyigelinta cudurka biyaha indhaha...

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 13, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In