Thursday, October 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhallinyaro ku baaqay in lajoojiyo dagaal beeleedyo ka soo cusboonaaday Shabeellaha dhexe+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Dhallinyaro  ku baaqay in lajoojiyo dagaal beeleedyo ka soo cusboonaaday Shabeellaha dhexe+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dhallinyaradaan ayaa isugu yimid inay ka dhiidhiyaan dagaallo ka soo cusboonaaday Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan Degmada Warshiiq iyo deegaanno hoostaga waxaana ay ugu baaqeen dadka walaalaha ah ee dagaallamaya inay si sharuud la’aan ah ku joojiyaan dagaalka micna darradaha iyadoo sidoo kale lagu jiro bishii cibaadada ee Ramadaanka.

Kulanka ay ku yeesheen  magaalada Muqdisho waxaa kala qeyb-galay Guddoomiyaha Ururka dhallinyarada Gobolka Banaadir Cabdikaafi Maxamuud Makaraan isagoo bogaadiyay in dhallinyarada ay u hormuud u  noqdaan nabadeynta iyo hormarinta dalka maadaama ay yihiin mustaqbalka dalkaan uu heysto

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026

Dhallinyarada soo qaban qaabiyay oo dhammaan ay ahaayeen aqoonyahanno ayaa sheegay in xilligaan loo baahanyahay in laga shaqeeyo hormarka deegaanka iyagoo tacsi u hiray dadkii ku dhintay iyo inta waxyeelo ay ka soo gaartay.

“Waxaan ka dhiishineynaa sida aan uga xunahay dagaalka kasoo cusboonaaday degmada Warshiiq iyo deegaano kale kuwaasi oo ah dagaallo jahli ah maxaa yeelay xilli dagaal laguma jiro, waxaana ka doorbineynaa sidii aan uga shaqeyn laheyn danaha iyo hormarka deegaanka iyo sidoo kale la jaan qaadida Magaalooyinka kale ee dalka”sidaas ayay yiraahdeen qaar ka mid dhalinyada aqoonyahanada ee kasoo horjeestay dagaalka.

Eng.Cabaas Cabdiraxmaan Xuseen oo ka mid agaasinka madasha oo la hadlay warbaahinta kulanka kaddib ayaa u akhriyay qoddobadii shirka kasoo baxay oo dhallinuyaradu isla garteen.

“Ugu horeyn Waxaan ka tacsiyadeyneynaa dadkii ku dhintay iyo sidoo kale dadka waxyeeladu kasoo gaartay waxaana leenahay dagaal wiil kuma dhashee wiilbaa ku dhintay sidaa daraadeed waxaan leenahay labada dhinac ee walaalaha ha isdilina, joojiya dagaal aan micno ku fadhinin”Sidaas waxaa yiri Cabaas Cabdiraxmaan Xuseen oo warsaxaafadeedka u akhriyay.

Tags: Dhalinyaro ku baaqay in lajoojiyo dagaal beeleedyo ka soo cusboonaaday Shabeelaha dhexe+Sawirro
Previous Post

Maamulka Gobolka oo garab istaagay dadkii ay saameeyeen Roobaabki ka da’ay Muqdisho+Sawirro

Next Post

Wabiga Shabeelle oo ku fatahay dhammaan Xaafadaha Baladweyne+sawirro

Next Post
Wabiga Shabeelle oo ku fatahay dhammaan Xaafadaha Baladweyne+sawirro

Wabiga Shabeelle oo ku fatahay dhammaan Xaafadaha Baladweyne+sawirro

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In