Safaarada Soomaaliya ee Wadanka Koonfur Sudan ayaa ku guuleysatay in ay dib xuriyadooda u helaan 11 dhalinyaro Soomaaliyaad ah oo ku eedeysanaa sharci daro kuna sii jeedeen xeebaha Liibiya.
Dhalinyaradaan ayaa laga soo qabtay magaalada Faluj oo ku taal xadka wadanka Sudan waxayna galabta ka duuleen Magaalada Juba iyagoo sii marayey Dalka Kenya.