Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhallinyarada Galguduud oo ku shiray Dhuusamareeb

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Dhalinyarada degmada Dhuusamareeb oo hogaan cusub doortay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan ballaaran oo looga hadlayay dowrka ay dhallinyarada Galguduud ka qaadan karaan horumarka gobolka isla markaana ay u sameysan lahaayeen hoggaan ayaa xalay lagu qabtay degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolkaasi.

Dhallinyaro isaga timid degmooyinka gobolka ayaa ka qeyb galay kulanka oo ay hadallo ka jeediyeen wasiiru-dowladaha  madaxtooyada Mahad maxamed Salaad iyo Xildhibaan Jawaahir Axmed Cilmi.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Qaar ka mid ah dhallinyaradii kulanka ka qeyb gashay ayaa sheegay in ay doonayaan in ay ka qeyb galaan dadaallada lagu horumarinayo gobolka oo ay ugu horreyso maamulka loo dhisayo gobollada Mudug iyo Galguduud.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Galguduud Cabdixakiin Cabdullaahi Warsame ayaa sheegay in maamulka gobolku uu diyaarin doono xaruntii dhallinyarada si ay ugu shaqeeyaan, isagoo tilmaamay in awoodda gobolka wax ka bedeli karta ay tahay dhallinyarada.

Wasiiru-Dowladaha Madaxtooyada Mahad Maxamed Salaad ayaa sheegay in dowladdu ay dhiirri galinayso dhallinyarada, isla markaana ay dowr muhiim ah ku leeyihiin mashaariicda dalka lagu horumarinayo iyo siyaasadda guud ee dowladda.

Wuxuu sheegay in dhallinyarada ku jirta hay’adaha dowladda sida xukuumadda iyo Baarlamaanka ay yihiin tiro dhiirri galin leh, ayadoo ay xukuumaddu sii xoojin doonto awood siinta dhallinyarada.

Previous Post

Dhagayso Warka Subaxnimo 07.03.2015

Next Post

Waxqabadka Dowladda ee Usbuucii la soo dhaafay

Next Post
Waxqabadka Dowladda ee Usbuucii la soo dhaafay

Waxqabadka Dowladda ee Usbuucii la soo dhaafay

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In