Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhallinyarada Galguduud oo ku shiray Dhuusamareeb

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Dhalinyarada degmada Dhuusamareeb oo hogaan cusub doortay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan ballaaran oo looga hadlayay dowrka ay dhallinyarada Galguduud ka qaadan karaan horumarka gobolka isla markaana ay u sameysan lahaayeen hoggaan ayaa xalay lagu qabtay degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolkaasi.

Dhallinyaro isaga timid degmooyinka gobolka ayaa ka qeyb galay kulanka oo ay hadallo ka jeediyeen wasiiru-dowladaha  madaxtooyada Mahad maxamed Salaad iyo Xildhibaan Jawaahir Axmed Cilmi.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026

Qaar ka mid ah dhallinyaradii kulanka ka qeyb gashay ayaa sheegay in ay doonayaan in ay ka qeyb galaan dadaallada lagu horumarinayo gobolka oo ay ugu horreyso maamulka loo dhisayo gobollada Mudug iyo Galguduud.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Galguduud Cabdixakiin Cabdullaahi Warsame ayaa sheegay in maamulka gobolku uu diyaarin doono xaruntii dhallinyarada si ay ugu shaqeeyaan, isagoo tilmaamay in awoodda gobolka wax ka bedeli karta ay tahay dhallinyarada.

Wasiiru-Dowladaha Madaxtooyada Mahad Maxamed Salaad ayaa sheegay in dowladdu ay dhiirri galinayso dhallinyarada, isla markaana ay dowr muhiim ah ku leeyihiin mashaariicda dalka lagu horumarinayo iyo siyaasadda guud ee dowladda.

Wuxuu sheegay in dhallinyarada ku jirta hay’adaha dowladda sida xukuumadda iyo Baarlamaanka ay yihiin tiro dhiirri galin leh, ayadoo ay xukuumaddu sii xoojin doonto awood siinta dhallinyarada.

Previous Post

Dhagayso Warka Subaxnimo 07.03.2015

Next Post

Waxqabadka Dowladda ee Usbuucii la soo dhaafay

Next Post
Waxqabadka Dowladda ee Usbuucii la soo dhaafay

Waxqabadka Dowladda ee Usbuucii la soo dhaafay

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda dalka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In