Sunday, May 25, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

‘Dhallinyarada ha lagu abaalmariyo waxqabadooda’ (WARBIXIN)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
August 17, 2024
in Wararka
0
‘Dhallinyarada ha lagu abaalmariyo waxqabadooda’ (WARBIXIN)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

wax walba waa maalinteeda Taariikhda Soomaaliya waa tii uu ku dhaco isbedalka la yaabka leh ee Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ka sameynayo gayiga Soomaaliya, waxaana ka mid ah Dalka oo la xoreeyo, Ciidanka oo goob walba ku dila kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaabka Arxanka daran, guulaha isdaba joogga ah ee dalku gaarayo iyo dhiirigalinta dhallinyarada Soomaaliyeed, taasoo sabab u ah hoggaamintiisa wanaagsan ee Xukuumadda Dan Qaran ee uu gar wadeenka ka yahay, waxa uuna dhawaan tegay magaalada Kismaayo, iyadoo magaaladdaas oo go’doon aheyd ayuu jidka doorashadda saaray, waxaana shacabku ku rajo weyn yihiin in dalka uu gaarsiin doono xasilooni amni iyo mid doorasho dadweynuhu oo ay gacantooda kaga ciil baxaan. Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud kama qaldamin inuu Ra’iisul wasaare waddanka uga dhigay mudane Xamze Cabdi Barre, waxayna aheyd xulushadii ugu habooneyd ee masuul ku magacaabo.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa dhawaan xafiiskiisa ku qaabilay seddex dhallinyaro ah oo naftooda u huray badbaadinta dadkii ku dhaawacmay qaraxii kooxaha Khawaarijtu ay ka geysteen xeebta Liido.Dhallinyaradani ayaa wakhti halis ahaa ku dhiirraday in ay dhabarkooda ku qaadaan oo badbaadiyaan dadka waxyeellada soo gaartay ee dhaawaca ahaa oo dhulka yaalay.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka UK

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka UK

May 24, 2025
Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka XFS oo qaabilay Wasiirka Caafimaadka SSC Khaatumo

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka XFS oo qaabilay Wasiirka Caafimaadka SSC Khaatumo

May 24, 2025

Ra’iisul wasaaraha ayaa dhallinyaradan ku ammaanay geesinimadooda, isaga oo ku tilmaamay halyeeyo qaran oo tusaale u ah dhallinyarada Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladdu ay mar walba garab taagan tahay dhallinyarada u taagan difaaca iyo badbaadinta bulshada, waxaana uu ku dhiirrigeliyey in ay sii wadaan dadaalkooda. “Waxaad xilli adag muujiseen geesinimo iyo in aad caawisaan dhallinyaro walaalahiin ah oo xaalad adag ku jiray, idinka oo khatar u galiyey naftiinnaa, dadkiinana u shaqeeyey, runtii shaqada ay qabteen waxa soo jiidatay dhammaan ummadda Soomaaliyeed, Xukuumadda DanQaran waxa ay idinku abaalmarinaysaa geesinimdiina oo aad ku muteysateen billad iyo shaqaalaysiin.”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ayuu tilmaamay Ra’iisul wasaaruhu in uu ka dhaxeeyo xiriir dhow oo aan la siyaasadeyn karin, isla markaana xukuumaddu mudnaanta koowaad la siinayo dhallinyaradu sidii ay u heli lahaayeen shaqooyin iyo wax walba oo ay dalkooda uga baahan yihiin, isagoo intaasi ku daray in dhallinyarada Soomaaliyeed ay yihiin lafdhabartii dalkan, dowladduna ay gacan buuxda ku siinayso sidii ay horumuud ugu noqon lahaayeen ummadda Soomaaliyeed. Dhallinyaradii ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha taageerada iyo dhiirrigelinta xukuumadda, iyaga oo ballan qaaday in ay sii wadi doonaan ka shaqeynta danta guud iyo badbaadinta dadka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale dhallinyaro ka mid ah Macaawisleeyda Deegaanka Masagawaa ee Degmada Ceeldheer ee gobolka |Galguduud dhinaceeda Bari ayaa ku dhiiraday inay labadooda oo kaliya ah inay ka baxaan Fariisinkoodii, islamarkaana weerar gaadmo ah ku qaadaan Maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee Al-shabaab, iyagoo ka gubay Booyad Biyood, kuna khaarijiyay Laba ka mid ah Maleeshiyaadka Khwaarijta ah, kana soo furtay laba Qori iyo Rasaastooda, waxayna si nabad ah ugu oo laabteen iyagoo bed qaba fariisinkii ay markii horeba ka baxeen.

Wiilashaasi waxaa magacyadooda la kala yiraa Ilyaas Abuukar Xiiseey iyo Saciid Maxamed Afeey, waana geesiyaal mudan in howshaasi lagu abaalmariyo, islamarkaana lagu dhiirigaliyo wax ay ku dhiiradeen, islamarkaana ay ku deydaan dhallinyarada kale ee ka tirsan Ciidamada Deegaanka ama Macaawisleeyda, waxaya howlgalka u gaarka ahaa ka sameeyeen inta u dhaxeysa Deegaannada Cali Heele iyo Baraag Shiikh Caamir.

”Marka adiga iyo saaxibkaa isku dhaarsatiin inaad qoryihiina garabka saarataan kadibna dhul ay shabaabku joogaan ka soo dhex qadeysaan, qoryo ka soo furataan, Saad iyo Booyadna ka soo gubtaan wax sahlan maaha ee waa geesinimo iyo go’aan adag iyo baraarug ay sameynayaan dhallinyaradeenii, waana u jab iyo halaag iyo cabsi ku soo siyaadday Argagixisadii, mar laga baqi jirey, maantase loo qaraab doonto, guul & gobanimo wiilasheena”, sidaasina waxaa yiri Cabbaas Nuur Shiikh oo ka mid ah Muwaadiniinta ka soo jeeday Deegaannadaasi.

“Waxaan booqasho ku gaaray. Degmada Qadiimiga ah ee  Ceeldheer, deegaanada ku hareereysan iyo Tuulooyinka ay gaartay neecowda dowladnimada. Waxaan booqday. anagoo Wafdi  ah dhammaan Fadhiisimada, Xerooyinka, Dhufeysyada hore, saangoobka macawisleyda iyo goobihii ugu dambeeyey ee ay ka dhaceen dagaaladii lagu wiiqay khawaarijta laguna halaagay ee Duleedka Waniinle, Haanta Cagadheere, Geerile Mesegowaa Cali yabaal, waarikoow iyo goobo kale”, sidaasi waxaa yiri:- Xil. Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud Fareey oo markaasi ku sugnaa Degmada Ceeldheer.

Xildhibaank u waxa uu intaasi sii raaciyay in Degmooyinkaasi iyo Deegaanadaasi oo xor ah muddo dheer aysan weli helin adeegyada Xasilinta, Gargaarka bini’aadanimo, adeegyadii bulshada, balse ay gacan ka helaan dadka maalqabeenka ah ee ka soo jeeda deegaanadaasi, “waxaase ammaan mudan Qurbojoogta ka soo jeedda Degaanadaasi”. Waxaan soo arkay geesiyaasha CXDS, Saraakiisha xaq u dirirka iyo Macawisleyda oo si dhab ah ugu diyaarsan baacsiga haraadiga Argagixisada, qaba kalsooni buuxda, u baahan garabka Allaah SW,  taageerada madaxda, shacabka Soomaaliyeed, iyo dadka deegaanada la xureynayo kasoo jeeda. Waxa ay ku wajahan yihiin bartilmaameedyo muhiim ah, waxa ay leeyihiin hadaf cad iyo waajibaad qaran, waxaa u muuqata guusha, waxa kaliya oo ay dalbanayaan waa duco, iyo in ay arkaan dadkooda oo aan cidina gumeysi, qarax, qax, xuriyad ka qaadid iyo cabsi gelin ku heynin, hantidooda aan la baneysaneynin, sharafkooda, cirdigooda iyo cibaadadoodana ay dhowrsoon tahay.

Ugu dambeyn; “Waxaan si gaar ah baaq ugu dirayaa bulshooyinka kasoo jeeda deegaanada la xureeyey iyo kuwa lagu wajahan yahay in ay muujiyaan taageero hiil iyo hooba leh, si gaar bulshada Galcad, Budbud, Gallibaax, Maxaad Xaaji, Ceelhareeri, Cowsweyne, Bido Ciise, Ceelbuur, Galhareeri, Wabxo, deri, Jacar, Bargaan, Garablo, Xiindheere, Jowle, Dhalwo, Ceelgaras, Ceel Cali,  Xaaji iimaan, Cagocade, Baraag Shadoor, iyo deegaanada Galgaduud iyo mudug in ay si gaar ah isku xilqaamaan oo dhiig iyo dheefba huraan. Khawaarij la dagaalankeeda laguma raali gelinayo Madaxweynaha Qaranka, Madaxda Dowladda iyo cid gaar ah waxaa lagu raali gelinayaa badbaadinta biri’mageydada ay khawaarijtu baneysteen dhiigooda” ayuu ku soo gunaanaday hadalkiisa.

By. C/lahi Ruush

Previous Post

Wasiirka Caddaallada iyo Dastuurka XFS oo Shir uga qayb gelaya Maraykanka

Next Post

Wasiirka Arrimaha Guddaha XFS oo furay Shir looga hadlayo horumarinta Aqoonsiga Dadweynaha

Next Post
Wasiirka Arrimaha Guddaha XFS oo furay Shir looga hadlayo horumarinta Aqoonsiga Dadweynaha

Wasiirka Arrimaha Guddaha XFS oo furay Shir looga hadlayo horumarinta Aqoonsiga Dadweynaha

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka UK

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka UK

May 24, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Sabti ah kaga guddoomay Caasimadda Muqdisho nuqul...

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka XFS oo qaabilay Wasiirka Caafimaadka SSC Khaatumo

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka XFS oo qaabilay Wasiirka Caafimaadka SSC Khaatumo

May 24, 2025
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa maanta xafiikiisa ku qaabilay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo shixnad Daawo ah gaarsiiyay Moqokori

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo shixnad Daawo ah gaarsiiyay Moqokori

May 24, 2025
0

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, isagoo...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

May 24, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya, Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In