Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhallinyarada oo laga codsaday in ka hortagaan xadgudubyada ka dhanka ah dumarka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Dhoolatus ay sameynayaan ciidanka booliska oo Muqdisho ka socda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan looga hadlayay sidii dhalliyarada Soomaaliyed ay kaalin uga qadaan lahayeen ka hortagga tacadiyada ka dhanka ah Haweenka oo ay ka qeyb galeen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda ayaa maanta lagu qabtay  magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ku saabsanaa sidii dhallinyarada ay door uga qaadan lahaayeen ka hortagga Xadgudubyada ka dhanka ah dumarka, gaar ahaan kuwa ku nool gudaha dalka, ayaa intii ka hadashay waxa ay soo jeediyeen in si wada jir ah looga hortago dadka dhibaateynaya dumarka.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026

“Waa waajib ina saaran in aan aan ka hortagno dhibaatoyinka loo geysto dumarka, waa in meel kasto oo dalka kamid ah arintaasi looga hadlo oo bulshada lagu wacyi geliyo si loo ciribtiro arrimahaasi, waxaa muhiim ah in dadkeenu ay fahmaan in kusfiga iyo gudniinka fircooniga ay yihiin, wax jahli ah oo shareecada Islmaakka kabaxsan”

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimadka Cismaan Maxamed Daalo oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in haweenka Soomaaliyed ay yihiin laf dhabarka bulshada, isla markaana aysan naga mudneen in la dhibaateyo.

“Marka aad dumar maqasho waa in ay kugu soo dhacdaa Hooyo, walaasha, gabadhaada iyo xaaskaaga, sababtoo ah intaasi uma quurtid in aad dhibaato u geysato, marka waxa aadan naftaada la rabin  haku sameynin nafkale”ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo Isboortiga ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Xasan Nuux ayaa dhankiisa soo dhaweeyay awaamiirta ay dhawan Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta, kasoo saartay Gudniinka Fircooniga oo qeyb ka ah dhibaatoyinka ay la kulman Gabdhaha.

“Waa in aan taageerna hadalkii ay dhawaan Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee ku aadanaa in qofkii gabar Soomaliyeed ku sameeya gudniinka fircooniga in maxkamd lasoo taagayo, hadii aan sidaasi la sameynin ma suura geli doonto in ay gabdhaheena laga daayo gudniinka”ayuu yiri Wasiir Nuux.

Wasiirka Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqal Insaanka Sahra Maxamed Cali Samatar oo soo xirtay kulanka ayaa sheegtay in Wasaaradda ay ka go’an tahay in la dhaqan galiyo sharciyada lagu ka xakameynayo xad gudubyada haweenka, balse dhallinyarada Soomaaliyed looga baahan yahay inay gacan siiyan sharciyadaasi.

“Wasaaradda waxaa ka go’an in shaciyadaasi an sixiso oo la dhaqan geliyo, markaasi waxaan garab weyn ugu baaha nahay dhalinyarada Soomaaliyed hadii aysan dhallinyarad aysan garab ina siinin ma suura gali garto in aan hadaf keena gaarno oo aan bad baadino Bulshada”ayay tiri Wasiirka Haweenka.

 

 

Previous Post

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga oo sheegay inay diyaariyeen sharciyo badan

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In