Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhallinyarada oo laga codsaday in ka hortagaan xadgudubyada ka dhanka ah dumarka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Dhoolatus ay sameynayaan ciidanka booliska oo Muqdisho ka socda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan looga hadlayay sidii dhalliyarada Soomaaliyed ay kaalin uga qadaan lahayeen ka hortagga tacadiyada ka dhanka ah Haweenka oo ay ka qeyb galeen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda ayaa maanta lagu qabtay  magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ku saabsanaa sidii dhallinyarada ay door uga qaadan lahaayeen ka hortagga Xadgudubyada ka dhanka ah dumarka, gaar ahaan kuwa ku nool gudaha dalka, ayaa intii ka hadashay waxa ay soo jeediyeen in si wada jir ah looga hortago dadka dhibaateynaya dumarka.

Related posts

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

January 28, 2026
Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026

“Waa waajib ina saaran in aan aan ka hortagno dhibaatoyinka loo geysto dumarka, waa in meel kasto oo dalka kamid ah arintaasi looga hadlo oo bulshada lagu wacyi geliyo si loo ciribtiro arrimahaasi, waxaa muhiim ah in dadkeenu ay fahmaan in kusfiga iyo gudniinka fircooniga ay yihiin, wax jahli ah oo shareecada Islmaakka kabaxsan”

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimadka Cismaan Maxamed Daalo oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in haweenka Soomaaliyed ay yihiin laf dhabarka bulshada, isla markaana aysan naga mudneen in la dhibaateyo.

“Marka aad dumar maqasho waa in ay kugu soo dhacdaa Hooyo, walaasha, gabadhaada iyo xaaskaaga, sababtoo ah intaasi uma quurtid in aad dhibaato u geysato, marka waxa aadan naftaada la rabin  haku sameynin nafkale”ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo Isboortiga ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Xasan Nuux ayaa dhankiisa soo dhaweeyay awaamiirta ay dhawan Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta, kasoo saartay Gudniinka Fircooniga oo qeyb ka ah dhibaatoyinka ay la kulman Gabdhaha.

“Waa in aan taageerna hadalkii ay dhawaan Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee ku aadanaa in qofkii gabar Soomaliyeed ku sameeya gudniinka fircooniga in maxkamd lasoo taagayo, hadii aan sidaasi la sameynin ma suura geli doonto in ay gabdhaheena laga daayo gudniinka”ayuu yiri Wasiir Nuux.

Wasiirka Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqal Insaanka Sahra Maxamed Cali Samatar oo soo xirtay kulanka ayaa sheegtay in Wasaaradda ay ka go’an tahay in la dhaqan galiyo sharciyada lagu ka xakameynayo xad gudubyada haweenka, balse dhallinyarada Soomaaliyed looga baahan yahay inay gacan siiyan sharciyadaasi.

“Wasaaradda waxaa ka go’an in shaciyadaasi an sixiso oo la dhaqan geliyo, markaasi waxaan garab weyn ugu baaha nahay dhalinyarada Soomaaliyed hadii aysan dhallinyarad aysan garab ina siinin ma suura gali garto in aan hadaf keena gaarno oo aan bad baadino Bulshada”ayay tiri Wasiirka Haweenka.

 

 

Previous Post

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga oo sheegay inay diyaariyeen sharciyo badan

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

January 28, 2026
0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan muhiim ah ka yeelatay xaqiijinta adeeg hufan oo loo...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In