Wednesday, April 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhallinyarada sameyneysa howlaha shaqo abuurka ah oo soo badanaya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Dhallinyarada sameyneysa howlaha shaqo abuurka ah oo soo badanaya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa sare u kac laga dareemayaa ka ganacsiga iyo iibsiga dharka hudheyda ah suuqyada magaalada Muqdisho, waxaana ay ganacsatada yar yar ee garab raratada ah ku maareeyaan nolosha reerkooda, kuwaasi oo ka raadiya qutul-daruuriga qoyska.

Dharka iyo alaabada kale ee ay wareejiyaan ayaa waxaa kasii iibsada shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka barakacayaasha ah ee ku nool gobolka Banaadir iyo dadka danta yar ee aan awoodin in ay gataan dharka cusub.

Related posts

Wasiir Fiqi oo ka hadlay guulaha laga gaaray sugidda amniga & xoojinta Xasillinta dalka

Wasiir Fiqi oo ka hadlay guulaha laga gaaray sugidda amniga & xoojinta Xasillinta dalka

April 22, 2026
Soomaaliya oo mar kale Xaqiijisay Taageeradeeda Midnimada Carabta

Soomaaliya oo mar kale Xaqiijisay Taageeradeeda Midnimada Carabta

April 22, 2026

Ka ganacsiga Dharka celiska ah ayaa kaalin weyn ka qaata horumarka ganacsiga suuqyada magaalada Muqdisho, maadaama dharka huudeyda ah ay ka shaqeystaan dhallinyaro Soomaaliyeed oo ay u noqotay shaqo abuur si ay ugu maareeyaan nolosha reerkooda, iyadoo ganacsatada garab raratada ah ee suuqyada ku wareejiya alaabaha kala duwan ay ku soo badanayaan suuqyada magaalada Muqdisho.

Waxaa farqi weyn laga dareemayaa qiimaha la kala iibsado dharka cusub ee suuqyada magaalada iyo dharka hudheyda ee lagu iibiyo suuqyada kala duwan ee magaalada Muqdisho, iyadoo qiimaha hada la kala iibsado dharka hudeyda ah uu aad u jaban yahay, halka dharka cusub uu qiimahiisu yahay mid aad u sareeyo .

Qaar ka mid ah ganacsatada yar yare ee garab raratada ah iyo dadka ka shaqeeya dharka dhuudeyda ah ayaa tilmaamay inay jiraan farqi yar oo u dhexeeya xagga dharka ah, ayna ka helaan waxyaabo ay ku maareeyaan noloshooda.

Falastiin Aadan Faarax, waxa ay ka mid tahay Haweenka ka ganacsada dharka waxeyna ka warbixineysaa sida ay ugu ganacsato dharka.

“Waxaan ka ganacsannaa dharka Huudheyda ah, aad iyo aad ayuu u wanaagsan yahay weliba xilliba xilliyadan qaboobaha ah ee la joogo, waxaam gadnaa Jaakado, waxaan ka raadsannaa Nolosha reerkeenna Alxamdullilaah” ayay tiri Falastiin.

Waxaa magaalada Muqdisho mudooyinkan ku soo badanaya horumarka dhinaca ganacsiga ah oo ay ka faa’iideysanayaan dhalin yaro fara badan oo horay shaqo la’aan u ahaa, kuwaas oo haatan ka shaqeysta ganacsiga Dharka hudeyda iyo Alaabada kale.

W/D; Muuse Cusmaan Abtoow

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo oo si diiran loogu soo dhaweeyay Gaalkacyo

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Lagu Soo Dhaweeyay magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug “SAWIIRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Lagu Soo Dhaweeyay magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug “SAWIIRO”

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Lagu Soo Dhaweeyay magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug "SAWIIRO"

Wasiir Fiqi oo ka hadlay guulaha laga gaaray sugidda amniga & xoojinta Xasillinta dalka

Wasiir Fiqi oo ka hadlay guulaha laga gaaray sugidda amniga & xoojinta Xasillinta dalka

April 22, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay Madasha Qaran ee Isku Duwidda Xasilinta ayaa...

Soomaaliya oo mar kale Xaqiijisay Taageeradeeda Midnimada Carabta

Soomaaliya oo mar kale Xaqiijisay Taageeradeeda Midnimada Carabta

April 22, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali ayaa Talaadadii ka...

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

In ka badan 30 ka tirsan Khawaarijta oo howlgallo lagu dilay

April 21, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo lagu dilay in ka badan...

Xafiiska Hantidhowraha oo bayaan soo saaray

Xafiiska Hantidhowraha oo bayaan soo saaray

April 21, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxa uu dadweynaha ku wargelinayaa in xogta rasmiga ah ee la xiriirta howlaha baarista, hantidhowrista,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In