Dhalinyarada Soomaalida South Africa oo kusoo badanayo magaalooyinka iyo wadadda Gawaarida Taxi ga loo yaqaano kaddib markii meelaha Tuulooyinka ay dilalka ku bateen
Dhalinyaradan ku soo badanaysay Dalka K/Afrika sanadihii ugu dambeyay oo dhibaatooyin kala kulma ganacsiyada Tuulooyinka ay u badanyihiin dadka madowga ee K/Afrikanka ayaa waxaa mudooyinkan dambe ay kusoo badanayeen Magaalooyinka gaar ahaan Xaafadaha Soomaalida,
Waxay dhalinyaradan shaqooyinkooda u badasheen wadidda Tagsiyada u kala goosha magaalooyinka Pretoria iyo Johannseburg oo qiyaastii isu jira 60 km,waxeyna badanaa Tagaasiyadan qaadaan Soomaalida.
Wariyaha Radio Muqdisho iyo SNTV uga soo warama dalkaasi C/qaadir Axad, ayaa ku soo waramaya in Dhalinyarada Soomaaliyeed ay badankood u bedesheen shaqooyinkii ganacsiga wadidda Tagaasiga kaddib markii ay u adkeysan waayeen dhibaatooyinka u badan dilalka ee madowga dalkaasi ugu geystaan tuulooyinka sidaasi darteedna ay dan bideen iney u soo wareegaan magaalooyinka waa weyn.
C/raxmaan Xaaji Xuseen oo ka mid ah dhalinyaradaas ayaa sheegay uu isaga tagay ganacsigiisi kadib boob dhowr jeer loo geystay dukaankiisa.
” Waxaan ka mid ah dhalinyarada Tagaasileeyda magaalada Pretoria,waxaan horay u lahaa ganacsi waan isaga soo cararay kadib markuu la iga boobay waxaana magaalada u joogaa inaan ku badbaado”ayuu yiri C/raxmaan Xaaji Xuseen
Soomaalida soo gasho dalka K/Afrika waxaa u badan dhalinyaro da”dooda u dhaxeysa 25 ilaa 35 jir , waxayna ka shaqeyaan ganacsiyada qatarta badan ee Tuulooyinka, dadka la dila waxa ay u badanyihiin dhalinyaro Shaqaalo ah oo qaata ugu badanaan 250 Dollarka Mareykanka.