Thursday, February 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhallinyaro arag la’ oo deeq waxbarasho ka helay dalka Koonfur Afrika

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Dhallinyaro arag la’ oo deeq waxbarasho ka helay dalka Koonfur Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wiilashaan oo naafo ka ah Aragga oo deeq waxbarasho ka helay mid ka mid ah iskuulada waxbarasho ee loogu talagalay dadka Aragga la’a ee ku yaala magaalada Durban ee dalka Koonfur Africa ayaa Xalay saqdii dhaxe waxaa ay soo gaareen magaalada Johannesburg.

Qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaalida ee ku nool magaalada Johannesburg, madaxda Jaaliyadda iyo waliba Mas’uuliyiin ka socday safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Koonfur Afrika ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Johannesburg kusoo dhaweeyay dhallinyaradaani.

Related posts

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 19, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka

February 18, 2026

Abiikar Xuseen Bashiir oo ka mid ah maamulka iskuulka dadka aragga la’a ee Al Basiir oo ku yaala magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya oo Warbaahinta Qaranka kula hadlay gudaha garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in dhallinyaradaan ay fursado waxbarasho ay ka haleen dugsiga Al-Nuur ee ku yaala magaalada Durban gacan ay ka siisay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Maxamed Cabdulaahi Axmed, Maxamed Muktaar  iyo Cabaas Maxamed oo ah dhallinyarada fursadaan waxbarasho ka helay dalkaan Koonfur Afrika oo Warbaahinta Qaranka ay dareenkooda wax ka weydiisay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin, isla markaana ay rajeynayaan in heer ay ka gaaraan waxbarashada si bulshada la mid ah ay wax ugu qabtaan.

Waa ardaydii ugu horeysay ee deeq waxbarasho ku tega dalka Koonfur Afrika, waxaana la filayaa in ay yimaadaan bilaha soo socda arday kale oo heer Jamacadeed oo deeq waxbarasho ku helay sida uu Warbaahinta Qaranka u sheegay Cabdi Xalane Xirsi u qaabilsanaha safaaradda dhanka Waxbarashada.

Ardaydaan waxaa ay Waxbarashada Dugsiga Dhaxe ku soo qaateen gudaha dalka Soomaaliya, waxaana hadda halkaan uga bilaabanaya Waxbarashada Dugsiga Sare, ayaga oo rajeynaya in ilaa heer Jamaacadeed ay ka gaaraan ay ku dhameysan doonaan gudaha dalka Koonfur Arika.

 

Cabdullahi Maxamuud Amiin.

Cabdullaahi Qorshe

Johannesburg South Africa.

Previous Post

Dekadda Oo Ku Guuleysatay Horyaalka Soomaaliya

Next Post

Ra’iisul wasaare Kheyre oo ka qeyb galay Xuska maalinta Aasaaska Midawga Yurub “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul wasaare Kheyre oo ka qeyb galay Xuska maalinta Aasaaska Midawga Yurub “SAWIRRO”

Ra’iisul wasaare Kheyre oo ka qeyb galay Xuska maalinta Aasaaska Midawga Yurub "SAWIRRO"

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 19, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka

February 18, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa si rasmi ah caawa u daah-furay tartan...

Senator Xasan Kobac oo deeq raashin ah gaarsiiyay qoysas danyar ah

Senator Xasan Kobac oo deeq raashin ah gaarsiiyay qoysas danyar ah

February 18, 2026
0

Senator Xasan Iidow Muxumed Kobac ayaa deeq raashiin afur ah u qeybiyay qoysas danyar ah oo ku nool Gobolka Banaadir,...

Wasiirka Tamarta XFS oo qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda WFP

Wasiirka Tamarta XFS oo qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda WFP

February 18, 2026
0

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdillahi Bidhan Warsame, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In