Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhallinyaro baratay farsamada gacanta oo xaflad loo qabtay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
March 6, 2025
in Wararka
0
Dhallinyaro baratay farsamada gacanta oo xaflad loo qabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu maamuusay qalin-jabinta 375 arday oo dhameysatay barnaamijyo kala duwan oo lagu barayay xirfadaha farsamada gacanta oo ay iska kaashadeen Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) iyo Hay’adda NRC ayaa ujeedkiisu ahaa in dhallinyarada la siiyo xirfado ay ku horumarin karaan noloshooda iyo fursadahooda shaqo.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay wafdi ka socday WFP, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug, oo ay ka mid yihiin Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Galmudug, Maxamed  Nuur Diini  Guddoomiyaha Gobolka Mudug, iyo Masuuliyeen kale “

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Wasiir ku-xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Galmudug, Maxamed  Nuur Diini ayaa khudbad uu ka jeediyey xafladda ku sheegay in ka Wasaarad ahaan ay sii wadi doono dadaallada lagu horumarinayo waxbarashada iyo xirfadaha dhallinyarada si ay u helaan fursado shaqo oo waxtar leh. Wuxuu sidoo kale uga mahadceliyey hay’adaha WFP iyo NRC taageerada ay siiyeen ardayda, isagoo xusay in barnaamijkan uu yahay mid muhiim ah oo wax ka taraya kobcinta dhaqaalaha iyo nolasha dhallinyarada reer Galkacyo.

Dhammaan mas’uuliyiintii iyo marti-sharaftii kale ee xafladda ka hadashay ayaa ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in la ballaariyo fursadaha noocan oo kale ah, si dhalinyarada Soomaaliyeed ay u yeeshaan xirfado ay noloshooda ku maareeyaan, kana qeyb qaataan horumarinta deegaanka iyo dalka.

Previous Post

Tartamayaasha Garbahaareey oo caawa u gudbay wareegga xiga ee tartanka

Next Post

Tartamayaasha Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Next Post
Tartamayaasha Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In