Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhallinyaro ku xiran dalka Sudan oo laga dayrinayo xaaladda ay ku noolyihiin “Dhageyso”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Dhallinyaro ku xiran dalka Sudan oo laga dayrinayo xaaladda ay ku noolyihiin “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

xabsi

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Dhallinyaro Soomaali ah oo ku xiran Wadanka Sudaan ayaa ka codsaday madaxda Dawladda Soomaaliya inay gacan ka gaystaan sidii ay dib markale u heli lahaayeen xoriyaddooda, iyagoo sheegay inay xaalad beni’aadanimo tii ugu darneyd ay ku heysato xabsiyada dalka Sudan.

Qaar ka mid ah dhallinyarada ku xiran xabsiyada oo intooda badan la soo qabtay meelaha saxaraha, iyaga oo doonaya inay halkaasi ka sii gudbaan ayaa sheegay in qaarkooda ay qabaan dhaawacyo soo gaaray markii ay ka gudbayeen xadka Ethiopia uu la wadaago Sudan.

Gabdho ku xiran xabsi ku yaala Sudan kana mid ah dhallinyarada la soo qabtay oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ay gaarayaan 40 gabdhood, kuwaasi oo aan heysan daryeel caafimaad iyo wax ay cunaan, isla markaana ay iminka ku jiraan xaalad adag oo xagga noloshada ah, iyagoo xusay in haddii aysan helin gurmad dhinac waliba leh oo ay ugu horeysa in xabsiyada laga sii daayo ay xaaladooda qatar ku sugantahay.

Dhallinyaradan ayaa madaxda dowladda ka codsaday in xabsiga la siiyo, maadaama ay qaarkooda ku dhawaad sanad ay ku xiranyihiin dalka xabsiyada dalka Sudan.

Halkan ka dhageyso xaaladda gabdhaha ay ku suganyihiin

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2017/02/Dhallinyaro-ku-xiran-dalka-Sudan.mp3

 

 

Previous Post

Xildhibaan Mustaf Dhuxuloow oo booqdey Ardey Qaliin Indhaha ah lagu sameeyey “SAWIRRO”

Next Post

Deg Deg: Kooxo Burcad ah oo qof shacab ku dilay Muqdisho.

Next Post
Deg Deg: Kooxo Burcad ah oo qof shacab ku dilay Muqdisho.

Deg Deg: Kooxo Burcad ah oo qof shacab ku dilay Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In