Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhallinyaro loo qaatay ka mid noqoshada ciidamada xoogga dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Dhallinyaro loo qaatay ka mid noqoshada ciidamada xoogga dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ayadoo Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ay waddo dadaalo ku aadan horumarinta barnaamijka isku dhafka ciidanka xoogga dalka ayaa magalaada Muqdisho waxaa ka soconaya tababbar la siinayo boqolaal dhallinyaro ah oo ka kala yimid gobollada dalka, kuwaasi oo qeyb ka ah isku dhafka ciidanka xoogga dalka.

Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa faah faahin kabixiyaay  boqolaal askari , kuwaasi oo qeyb ka noqonaya ciidamada isku dhafka ah ee xoogga dalka ee lagu tababbarayo dugsiga tababbarka ee Jeneraal Gordan ee ay maamusho dowladda Imaaraadka Carabta, waxaana goobta soo gaaray Jeneraal Ceynte madaxa Hogaanka xiriirka dibadda, Gaashaanle Sare Xasan Maxamed Nuur madaxa Hogaanka  tababbarka iyo Gaashaanle sare Xasan Maxamuud Yuusuf hogaanka, abaabulka iyo qorsheynta ee ciidanka, kuwaasi oo u kuur galayay sida ay u socoto xulista dhalinta loo qaadanayo ciidamada.

Related posts

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026

Duuliye Nuur Aadan Nuur oo ah Lataliyaha Wasiirka Gaashaandhiga ahna Madax diwaan gelinta ciidamadsa isku dhafka ah ayaa ka warbixyaya tababarkani iyo qaabka uu u socdo.

“Waxaan maanta halkan u joognaa qaadashada dufcadda afaraad ee ciidanka qalabka sida kuwaasi oo lagu tababbari doono dugsiga Jeneraal Gordan ee ay maamusho Imaaraadka Carabta, waxaana lagu xulanaya sharuucda ciidanka lagu qaato”ayuu yiri Duuliye Nuur Aadan.

Madaxa Hogaanka Xiriirka Dibadda ee ciidanka Jeneraal Cabdullaahi Xaaji Maxamed Ceynta ayaa sheegay in ciidamadani ay qeyb ka yihiin isku dhafka ciidamada oo dowladda Soomaaliya ay ka caawinayso Imaaraadka Carabta.

“Waxaan halkan u nimid inaan goob joog ka ahaano ciidamada loo qorayo dugsiga Jeneraal Gordan, horey waxaa loo qoray saddex dufcadood, kuwaasi oo dhameystay tababbarka loo qabtay, dugsigan waxa uu bilow u yahay isku dhafka ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed” ayuu yiri Jeneraal Caynte.

Ciidamadani ayaa marka uu tababarka u dhamaado waxaa lagu wadaa in ay qeyb ka noqdaan howlgallada dalka looga sifeynayo maleeshiyaadka Al-Shabaab, ayadoo qorshaha uu yahay in isku dhafka ciidamada lagu balaariyo guud ahaan gobolada dalka.

Previous Post

Antonio Guterres oo noqonaya xoghayaha cusub ee Qaramada Midoobay

Next Post

Ciidamada ammaanka oo howlgal qorsheysan ka wada xaafado ka mid ah degmada Howlwadaag

Next Post

Ciidamada ammaanka oo howlgal qorsheysan ka wada xaafado ka mid ah degmada Howlwadaag

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

April 2, 2026
0

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee (GANHRI), oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Geneva, ayaa...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

April 2, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey aqoon isweydaarsi ku saabsan Qiimeynta Khatarta Musuqmaasuqa, kaas oo socday muddadii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In