Saturday, May 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhammaadka Al Qaaciddada Soomaaliya (WARBIXIN)

caqiil by caqiil
4 years ago
in Wararka
0
Dhammaadka Al Qaaciddada Soomaaliya (WARBIXIN)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waayadaan waxaa soo baxaya warbixinno ku saabsan Argagisada Caalamka,kaasoo ay soo saarto Dowladda Maraykanka, sidaasin awgeed waxaan dul istaageynaa warbixinaddii ugu dambeeyay ee ka soo baxa wadankaasi, taasi oo ay soo saartay Waaxda Difaaca Marykanka ee Pentagonka, waxayna tilmaantay kororoka xad-dhaafka ah ee Argagisada ayaa ku soo beegmaya, iyadoo howlgalka Maraykanka ee ka hortagga Khawaarijta uu ka socdo Dalal badan oo ay Soomaaliya ka mid tahay, waxaana lagu xusay warbixinta in Soomaaliya kororka falalka kooxda Al-shabaab uu gaaray 11% ee dhacdooyinka iyo dhimashada sanadkii la soo dhaafay ee 2021kii.

Maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab ee xiriirka la leh Al-qaaidda ayaa fidisay afkaarteeda iyo xiriirka kooxaha kale ee hubeysan, waxayna ku dhiiradeen inay dhaqaale u diraan kooxaha argagixisada ee dagaalada ka wada wadamada Koongo, Musambiik, Nayjeeriya iyo Maali.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka

May 23, 2026
Soomaaliya oo ka qeybgalay Madasha Kobaca Caalamiga ah (Global Growth Forum)

Soomaaliya oo ka qeybgalay Madasha Kobaca Caalamiga ah (Global Growth Forum)

May 23, 2026

Warbixintu waxay kaloo ka hadashay hoos u dhac falalka kooxda argagixisada ee Harada Jaad iyo koror dhexdhexaad ah ee rabshadaha kooxda xag jirka dagaalada ka wada dalka Musambiik, markii qiimeyn lagu sameeyay kororka howlgalada argagixisada intii u dhaxeysay sanadihii 2018-2021-kii.

Dhanka Soomaaliya haddaaan eegno waxaa jira xog ururin laga sameeyay Ajaanibta ku sugan gudaha Dalka, waxayna tilmaantay in aysan jirin cid Kooxda Al-shabaab uga soo biirtay Wadamada kale muddo laba sana ah, waxaana ugu dambeysay Ajaaniib timaada Soomaaliya sanadkii 2020-kii, waana xog rasmi ah oo la xaqiijiyay, iyadoo dagaalada ka socda Gobolada dalka awgood ay ku qasabtay inay ka cararaan inta badan Ajaaniibtii ku sugneyd ee kala barbar dagaalamayay, markii ay soo muuqatay inuu halis ku jirto joogitaankooda Dalka, waxaana soo muuqanaya inay kaga dhammaatay jiritaanka Kooxda argagixsada ah ee Al-shabaab.

Dhinaca kale in kastoo aysan jrin meel u fayoow naafeynta kaabayaasha dhaqaalaha shacabka, hadana waxaa marqaati ma doonta ah kooxdani naf la caariga ah ay xoogga saareyso inay cabsi galiyaan kacdoonka Ummadda ee hubka u qaatay sidii ay dhibaatada lagu hayo isaga dul qaadi lahaayeen, waxayna kooxdani Al-shabaab damacoodu yahay inay burburiyaan kaabayaasha dhaqaalaha iyo isu socodka sida qarxinta Buundooyinka sida tan Buule-burte, danta ugu weyna ay tahay in la naafeeyo Dadka, Dowladnimada iyo Dalka, weerarna ay ku qaadaan meel kasta oo laga danqanayo, tusaale ahaan Buundada Buulo-burte oo isku xirta Magaalada Muqdisho, Gobolada Dhexe iyo kuwa kale.

Kooxdani Qawaarijta ah ayaa horey u burburiyay Ceel-biyoodyo, Guryo deegaan, goobo caafimaad, Taawarada Isgaarsiinta iyo niyad jabinta shacabka, waxaana hadda Dowladdu wadaa dayactirka meelihii ay dhibaateeyeen, waxayna gudagashay sidii meelahaasi loo gaarsiin lahaa adeegyada asaasiga ah ee loogu baahan badan yahay, sida ay xustay Wasaaradda Qorsheynta ee Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, waxayna caddeysay in meelaha lagala wareego Kooxdea Qawaarijta la gaarsiin doono adeegyada asaasiga u ah nolosha aadanaha, sida Ceelasha biyaha, caafimaadka, saldhig Boolis iyo kuwa la mid ah.

Raiisaul-wasaaraha Xukuumadda Federaala ee Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa yiri:-“Waxaa muuqata in dalka lagu xoreyn karo intii la filayay waqti ka yar. Dagaalka aan khawaarijta kula jirno, dadka ayuu badbaadinayaa, khasaaraha iyo dhimashada dadka Soomaaliyeed ayuu yareynayaaye ma badinayo. Hadii aan dagaal kula jirno shan sano ah, lix sano dagaalka foolka foolka ah inta nooga dhimata iyo inta Soobe kaliya nooga dhimatay hadii la is barbar dhigo, inta Soobe nooga dhimatay ayaa ka badnaan doonta”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ceceliyay in qorshaha 1aad ee xukuumadda uu yahay sugidda amniga iyo xoreynta dalka, qorshahaasi oo haddii lagu guuleysto horseedaya in dhammaan qorshayaasha kale ee horumarineed la fuliyo, wuxuuna si cad u tilmaamay in dalka uu ku jiro dagaal dhab, dadka Soomaaliyeed-na laga doonayo in yeeshaan dhaqan dad uu dalkoodu dagaal dhab ah ku jiro, dul qaataan oo ka fogaadaan waxyaabaha ay dowladdu mamnuucdo, una hoggaansanaadaan amarrada dowladda ee qeybta ka qaadanaya in guul laga gaaro dagaalka.

Haddaba sida ay wax u socdaan haddii la sii dardargaliyo waxaa muuqanaya dhammaadka Kooxda Qawaarijta ah ee Al-shabaab in la soo gaaray xilligii ay kaga dhammaatay joogitaankoda Soomaaliya, waxaana markaasi la helayaa Soomaaliya oo xasiloon, Ammaan ah, islamarkaana barwaaqo ah.

Warbixintan waxaa qoray: Abdulkadir Isse

Previous Post

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka wada degaanno hoostaga Aadanyabaal

Next Post

RW Xamse oo xariga ka jaray qorshaha horumarinta korantada dalka

Next Post
RW Xamse oo xariga ka jaray qorshaha horumarinta korantada dalka

RW Xamse oo xariga ka jaray qorshaha horumarinta korantada dalka

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka

May 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka...

Soomaaliya oo ka qeybgalay Madasha Kobaca Caalamiga ah (Global Growth Forum)

Soomaaliya oo ka qeybgalay Madasha Kobaca Caalamiga ah (Global Growth Forum)

May 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdullahi Axmed (Abukaate), ayaa ka qeybgalay Madasha...

Guddiga Doorashooyinka oo tababar u furay qaar kamid ah xildhibaannada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir

Guddiga Doorashooyinka oo tababar u furay qaar kamid ah xildhibaannada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir

May 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta tababar muhiim ah u furay qaar kamid ah xildhibaannada Golaha...

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed iyo wafdi heer Federaal ah oo gaaray degmada Diinsoor

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed iyo wafdi heer Federaal ah oo gaaray degmada Diinsoor

May 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO(DIINSOOR):-Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji, oo ay wehliyaan Wasiirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In