Monday, October 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhaq dhaqaaq ganacsi oo ka bilowday Hobyo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Dhaq dhaqaaq ganacsi oo ka bilowday Hobyo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026
Magaalada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa muddo dheer ka dib waxaa ka bilowday dhaqdhaqaaq ganacsi, ka dib markii todobaadkan ay Dekadda macmalka ah ee Hobyo ay ku soo xirteen laba doomood oo shixnado kala duwan wada una raran ganacsato Soomaaliyeed.
Doomahan oo wada Raashinka nuucyadiisa kala duwan, Baabuur, qalabka dhismaha iyo agab kale, ayaa ka kala yimid Mambasa iyo Dubai, waxaana maamulka Galmudug uu canshuur la’aan ka dhigay dhammaan waxyaabaha ka dagaya Hobyo si hawlgalinta Dekadda loo dhiiri galiyo.
C/raxmaan  Cadaawe Maalin waxa oo  gudoomiye u  ah gudi 25-xubnood ka kooban  oo bilihii u dambeeyay  ka shaqaynayay hawlgalinta Dekadda Hobyo, ayaa sheegay in hadda hormar wayn laga sameeyay dhinacyada shaqada Dekadda, wadooyinkii la marsiin lahaa badeecooyinka iyo dhismaha Airport-ka Hobyo.
C/fitaax  Xuseen Sheekh oo ka mid ah ganacsatada ay Doomahan u rarnaayeen ayaa sheegay in hada ka dib ay badeecooyinkooda ay ka soo dajin doonaan Hobyo.
Maareeyaha Dekadda Hobyo C/risaaq Maxamed Ducaale iyo Gudoomiyaha Degmada Hobyo ayaa sheegay in fursado badan oo maalgashi ay ka banaanyihiin magaaladan oo hadda isu diyaarinaysa inay noqoto il dhaqaale oo muhiim ah.
Boqolaal xoogsato ah ayaa hadda subax walba u shaqo tagaya Dekadda Macmalka ah ee Hobyo si ay Doomahan u dajiyaan.
DSC00642 DSC00679 DSC00689 DSC00708 DSC00715 DSC00721 DSC00724 DSC00728 DSC00735 DSC00737 DSC00738 DSC00740 DSC00743 DSC00744 DSC00749 DSC00758 DSC00762 DSC00769
Maxamuud Cabdi Diirshe
Previous Post

La Yaab Nin maalintii mu’adin ah habeenkiina fanaan heesaha qaado ah.

Next Post

Maamulka Gobolka Banaadir oo soo saaray war saxaafadeed ay uga hadlayaan Dhismaha Aqalka Sare.

Next Post

Maamulka Gobolka Banaadir oo soo saaray war saxaafadeed ay uga hadlayaan Dhismaha Aqalka Sare.

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xafiiska...

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
0

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug, gaar ahaan Waaxda Hydrometeorology, waxay soo saartay saadaasha roobabka ee muddada 04 ilaa...

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

October 4, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug, Mudane Abdullaahi Maxamed Daahir, ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In