Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhibaatada lagu qabo qaadashada sharciga Koonfur Afrika oo laga hadlay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Dhibaatada lagu qabo qaadashada sharciga Koonfur Afrika oo laga hadlay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan balaaran oo si wadajir ah ay usoo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika, hey’ada  action support  iyo waliba ururka haweenka Soomaalida ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan SOSOWNET ayaa waxaa looga arrinsanayay dhibaatooyinka dhanka sharciyada ka heysta dadka qaxootiga ah ee ku nool dalka South Africa, ayada oo uu goob joog ahaa Agaasimaha Wasaarada sharci bixinta u qaabilsan Dowladda Koonfur Afrika

Goobta kulanka lagu qabanayay waxaa soo buux dhaafiyay boqolaal shacab ah oo kasoo kala jeeda dalalka Africa gaar ahaaan Soomaalida, waxaana si weyn uga dhax muuqday Hooyooyin Soomaaliyeed oo carruur aad u yaryar dhabarka ku sita isla markaana ay heysto daruufo kala duwan, waxaana ay dhibaatooyin ku qabeen sharciyada ay bixiso Wasaaradda arrimaha gudaha ee Koonfur Afrika.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Qaar ka mid ah haweenka oo fursado loo siiyay in ay ka hadlaan caqabadaha ka heysta helista sharciyada, waxaa ay goobta ka sheegeen in muddo dheer oo ay rafaad ku qabaan halista sharciyadaas ugu dambeyna lasoo siiyay warqad ah in 14 maalin gudahooda ay dalka uga baxaan taa oo ay usii dheertahay in aysan tagi karin goobaha cafimaadka, waxbarashada iyo waxyaabaha la mid ka ah hadii ay u baahdaan.

Faadumo Xasan Cali oo Guddoomiye ka ah hey’ada matasha haweenka Soomaalida ee ku nool Souuth Africa ayaa warbaahinta Qaranka u sheegtay in hooyooyinka Soomaaliyeed dhibaatada ugu badan ay kala kulmaan sharci la’aanta.

“Dhibaato badan baan ku qabnaa arrimahaan mudo ayeyna soo jiitamayeen carruurta iskuulada ma geysan karaan, isbitaalada ma tagi karaan oo lagu dhibaa, hey’adaha caawiya kuwa danyarta ahna waxaa ay rabaan sharciyo hadii ay UN-ka ka codsan lahaayeen in dib u dajin loogu sameeyo tan saddaxaad sharci la’aanta looma ogolaanayo fursadahaas”ayay tiri Faadumo.

Kulankaan waxaa codsaday Jaaliyadda Soomaaliyeed sida uu Warbaahinta Qaranka u sheegay Caamir Sheekh gudoomiyaha Jaaliyada markii ay arkeen caqabadaha  Soomaalida ka heysta dhanka sharci yada.

“Kulankaan Jaaliyadda ahaan ayaan u codsanay maadaama dhibka xaruntaan ka jira uu aad u badanyahay sanadkii dambe waxaaba lasoo celiyay Soomaali fara badan oo loo diiday in la siiyo sharciyada dal ku jooga marka in aan madaxda xaruntaan iyo shacabka aan is hor fariisino ayaan ugu taa galnay”ayuu yiri Caamir.

Agaasimaha Wasaarada sharciga home affairs qeybteeda sharci siinta dadka ajaanibta ah oo goobta kula hadlay Soomaalida ayaa sheegay in uu xoogga saari doono la socodka xaaladaha xarumaha laga qaato sharciyada dalka jooga ee la siiyo dadka soo galootiga ah, waxaana goobta uu ka qaaday heesta astaanka Qaranka Soomaaliya taa oo uu ku sheegay in Soomaalida uu xariir wanaagsan kala dhaxeeyo taariikh fog oo qoto dheerna ay leeyihiin .

Kulankaan ayaa kusoo aadaya xilli sanadka soo socda ee 2016 ka la filayo in guud ahaan isbadalo lagu sameeyo hanaanka sharci siinta dadka magan galyo doonka ah ee yimaada dalka Koofur Africa iyo kuwa hore u joogay intaba.

By C/laahi Maxamuud Amiin “C/laahi Qorshe”

Johannesburg South Africa

IMG_2094 IMG_2098 IMG_2117 IMG_2123 IMG_2127 IMG_2130 IMG_2132 IMG_2134 IMG_2136 IMG_2137 IMG_2140 IMG_2141 IMG_2150 IMG_2153 IMG_2161

Previous Post

Maamulka Degmada Jalalaqsi oo ka hadlay matoor ay Shabaabku qaateen “Dhageyso”

Next Post

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya iyo Kan Puntaland oo Beeniyay in Dhaawacyadii Gaalkacyo laga keenay lakala faquuqay” Sawirro”

Next Post
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya iyo Kan Puntaland oo Beeniyay in Dhaawacyadii Gaalkacyo laga keenay lakala faquuqay” Sawirro”

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya iyo Kan Puntaland oo Beeniyay in Dhaawacyadii Gaalkacyo laga keenay lakala faquuqay" Sawirro"

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In