Wednesday, July 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhibaatada lagu qabo qaadashada sharciga Koonfur Afrika oo laga hadlay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
December 11, 2015
in Wararka
0
Dhibaatada lagu qabo qaadashada sharciga Koonfur Afrika oo laga hadlay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan balaaran oo si wadajir ah ay usoo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika, hey’ada  action support  iyo waliba ururka haweenka Soomaalida ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan SOSOWNET ayaa waxaa looga arrinsanayay dhibaatooyinka dhanka sharciyada ka heysta dadka qaxootiga ah ee ku nool dalka South Africa, ayada oo uu goob joog ahaa Agaasimaha Wasaarada sharci bixinta u qaabilsan Dowladda Koonfur Afrika

Goobta kulanka lagu qabanayay waxaa soo buux dhaafiyay boqolaal shacab ah oo kasoo kala jeeda dalalka Africa gaar ahaaan Soomaalida, waxaana si weyn uga dhax muuqday Hooyooyin Soomaaliyeed oo carruur aad u yaryar dhabarka ku sita isla markaana ay heysto daruufo kala duwan, waxaana ay dhibaatooyin ku qabeen sharciyada ay bixiso Wasaaradda arrimaha gudaha ee Koonfur Afrika.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay boqollaal haweenka Soomaaliyeed ka mid ah

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay boqollaal haweenka Soomaaliyeed ka mid ah

July 9, 2025
Wasiirka Isgaarsiinta Iyo Teknolojiyadda XFS oo shir muhiim ah uga qaybgalaya dalka Switzerland

Wasiirka Isgaarsiinta Iyo Teknolojiyadda XFS oo shir muhiim ah uga qaybgalaya dalka Switzerland

July 9, 2025

Qaar ka mid ah haweenka oo fursado loo siiyay in ay ka hadlaan caqabadaha ka heysta helista sharciyada, waxaa ay goobta ka sheegeen in muddo dheer oo ay rafaad ku qabaan halista sharciyadaas ugu dambeyna lasoo siiyay warqad ah in 14 maalin gudahooda ay dalka uga baxaan taa oo ay usii dheertahay in aysan tagi karin goobaha cafimaadka, waxbarashada iyo waxyaabaha la mid ka ah hadii ay u baahdaan.

Faadumo Xasan Cali oo Guddoomiye ka ah hey’ada matasha haweenka Soomaalida ee ku nool Souuth Africa ayaa warbaahinta Qaranka u sheegtay in hooyooyinka Soomaaliyeed dhibaatada ugu badan ay kala kulmaan sharci la’aanta.

“Dhibaato badan baan ku qabnaa arrimahaan mudo ayeyna soo jiitamayeen carruurta iskuulada ma geysan karaan, isbitaalada ma tagi karaan oo lagu dhibaa, hey’adaha caawiya kuwa danyarta ahna waxaa ay rabaan sharciyo hadii ay UN-ka ka codsan lahaayeen in dib u dajin loogu sameeyo tan saddaxaad sharci la’aanta looma ogolaanayo fursadahaas”ayay tiri Faadumo.

Kulankaan waxaa codsaday Jaaliyadda Soomaaliyeed sida uu Warbaahinta Qaranka u sheegay Caamir Sheekh gudoomiyaha Jaaliyada markii ay arkeen caqabadaha  Soomaalida ka heysta dhanka sharci yada.

“Kulankaan Jaaliyadda ahaan ayaan u codsanay maadaama dhibka xaruntaan ka jira uu aad u badanyahay sanadkii dambe waxaaba lasoo celiyay Soomaali fara badan oo loo diiday in la siiyo sharciyada dal ku jooga marka in aan madaxda xaruntaan iyo shacabka aan is hor fariisino ayaan ugu taa galnay”ayuu yiri Caamir.

Agaasimaha Wasaarada sharciga home affairs qeybteeda sharci siinta dadka ajaanibta ah oo goobta kula hadlay Soomaalida ayaa sheegay in uu xoogga saari doono la socodka xaaladaha xarumaha laga qaato sharciyada dalka jooga ee la siiyo dadka soo galootiga ah, waxaana goobta uu ka qaaday heesta astaanka Qaranka Soomaaliya taa oo uu ku sheegay in Soomaalida uu xariir wanaagsan kala dhaxeeyo taariikh fog oo qoto dheerna ay leeyihiin .

Kulankaan ayaa kusoo aadaya xilli sanadka soo socda ee 2016 ka la filayo in guud ahaan isbadalo lagu sameeyo hanaanka sharci siinta dadka magan galyo doonka ah ee yimaada dalka Koofur Africa iyo kuwa hore u joogay intaba.

By C/laahi Maxamuud Amiin “C/laahi Qorshe”

Johannesburg South Africa

IMG_2094 IMG_2098 IMG_2117 IMG_2123 IMG_2127 IMG_2130 IMG_2132 IMG_2134 IMG_2136 IMG_2137 IMG_2140 IMG_2141 IMG_2150 IMG_2153 IMG_2161

Previous Post

Maamulka Degmada Jalalaqsi oo ka hadlay matoor ay Shabaabku qaateen “Dhageyso”

Next Post

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya iyo Kan Puntaland oo Beeniyay in Dhaawacyadii Gaalkacyo laga keenay lakala faquuqay” Sawirro”

Next Post
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya iyo Kan Puntaland oo Beeniyay in Dhaawacyadii Gaalkacyo laga keenay lakala faquuqay” Sawirro”

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya iyo Kan Puntaland oo Beeniyay in Dhaawacyadii Gaalkacyo laga keenay lakala faquuqay" Sawirro"

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay boqollaal haweenka Soomaaliyeed ka mid ah

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay boqollaal haweenka Soomaaliyeed ka mid ah

July 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025(MUQDISHO), Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kulan la qaatay boqollaal ka mid...

Wasiirka Isgaarsiinta Iyo Teknolojiyadda XFS oo shir muhiim ah uga qaybgalaya dalka Switzerland

Wasiirka Isgaarsiinta Iyo Teknolojiyadda XFS oo shir muhiim ah uga qaybgalaya dalka Switzerland

July 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025, Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Aadan Macallin (Soomaali), ayaa ka qeybgalay...

Wafdi ka socda Guddiga Doorashooyinka Qaran oo gaaray magaalada Jowhar

Wafdi ka socda Guddiga Doorashooyinka Qaran oo gaaray magaalada Jowhar

July 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025, Wafdi ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa  gaaray magaalada Jowhar, ee xarunta...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Shiinaha

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Shiinaha

July 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025, Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xafiiskiisa ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In