Kulanka lagu dheerigalinayay ciyaartoyda kubada cagta ee Jubaland ayaa lagu qabtay magaaladda Muqdisho, waxaana ka qeybgalay agaasimaha waaxda qorsheynta wasaaradda Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee xukuumadda Soomaaliya,madaxda xariirka kubadda cagta ee Jubbaland iyo xubno kale.
Agaasimaha waaxda qorshenta wasaaradda Kaluumeysiga, Cabdiwaaxid Ibraahim Sheekh oo soo qaban qaabiyay kulanka ayaa waxaa uu kula dardaarmay in ay ku dadaalaan sidii ay guul ugu soo hoyn lahaayeen ciyaarta kama dambeysta ah oo ay maanta la yeelan doonaan kooxda kubadda cagta ee Puntland.
“Sida aan ognahay ciyaartoyda Jubbaland waxaan taariikhda ku ahayna in koobkan ay qaaday sideed jeer , waxa hada nalaga doonayaa mudo 20 sano ka dib inaa koobkaasi aynu keeno Jubbaland, waxana idin balan qaadayaa inaa idin garab taaganahay,“ ayuu yiri C/waaxid.
Madaxa xariirka kubad cagta ee Jubbaland oo ka hadlay kulanka ayaa waxaa uu u mahadceliyay agaasimaha qorsheynta sida wanaagsan uu garab istaagay ciyaartoyda, isagoo sheegay in ay ku dadaali doonan sidii guul u gaari lahaayeen.
Ugu dambeyntii ciyaartoyda kubadda cagta ee Jubbaland ayaa agaasimaha waaxda qorsheynta ee wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee dowladda Soomaaliya waxaa uu gudoonsiiyay hadiyad uu ugu talagalay ciyaartoyda si niyad dhis ah.
Si kastaba, galab ayaa garoonka kubadda cagta ee Stadium Banaadir, waxaa ku balansan kooxaha kubadda cagta ee Puntland iyo Jubbaland taas oo si weyn looga hadal hayo baraha bulshada ay wada xiriirto.