Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhismaha degaanka Safiirka Soomaaliya ee Tanzania oo xarigga laga jaray

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 months ago
in Wararka
0
Dhismaha degaanka Safiirka  Soomaaliya ee Tanzania oo xarigga laga jaray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Xamsa Aadan Xaadoow, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray dhismaha degaanka Safiirka Safaaradda Soomaaliya magaalada Daar es Salaam ee dalka Tanzania.

Munaasabaddaan ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka socday Dowladda Tanzania, qaar ka mid ah diblomaasiyiinta dalalka caalamka u fadhiya Tanzania iyo xubno matalayay Jaaliyadda Soomaaliyeed.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026

Dhismaha cusub ee degaanka Safiirka ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ka turjumaya hal-adayg diblomaasiyadeed, ayaa qeyb ka ah dadaallo uu hormuud u ahaa Danjire Ilyaas Cali Xasan, kaasoo ka bilaabmay hirgelinta iyo dayactirka dhismaha Safaaradda.

Isaga oo ka hadlayay munaasabadda, Xoghaye Xamsa ayaa ku bogaadiyay Danjire Ilyaas hirgelinta dhismaha Safaaradda iyo degaanka Safiirka, waxa uu hoosta ka xarriiqay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo walaalnimo ee Jamhuuriyadda Tanzania.

Ugu dambeyntii, Danjire Ilyaas Cali Xasan ayaa carabka ku adkeeyay in dhismaha cusub iyo xarumaha Safaaradda ee la casriyeeyay ay yihiin hanti Qaran oo loogu talagalay in loogu adeego shacabka Soomaaliyeed, isaga oo u mahadceliyay dhammaan martidii ka soo qeybgashay xafladda.

Previous Post

Soomaaliya oo loo doortay inay ka mid noqoto Golaha Nabadda Midowga Afrika

Next Post

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Next Post
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska iyo abaalmarinta barnaamijka “Daaci...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo si KMG ah maamul cusub ugu magcaawday Gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabishay ku xigeenka xafiis...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

March 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay danjireyaasha iyo wakiillada hay'adaha caalamiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In