Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhismaha Dowladaha Hoose oo ka bilowday Hirshabeele+sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
August 24, 2019
in Wararka
0
Dhismaha Dowladaha Hoose oo ka bilowday Hirshabeele+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowlad goboleedka Hirshabeele oo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya kana duulaysa ahmiyadda ay leedahay hoos u daa dejinta dhismaha iyo maamulka bulshad ayaa bilowday dadaal ku aadan sidii loo soo dhisi lahaa golayaasha deegaanka,iyadoo ay haatan ka bilaabatay gobolka Shabeelada Dhexe.

Degmada warshiikh ee gobolka Shabeelada Dhexe ayaa nasiib u yeelatay in lagu qabto doorashadii ugu horeysay ee isbedel loogu sameynayo maamulka degmadaasi,si ay bulshadu u noqoto mid ay taladeeda go’aamiso,iyadoo Munaasabad ay Xildhibaanada Golaha deegaanka ee Degmada Warsheekh ay ku Dooranayeen Maamulka Degmada Guddoomiyaha iyo ku Xigeenadiisa ay ka dhacday halkaasi.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Waxaa ka soo Qeyb galay Wasiiro oo uu ka Mid ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Hir Shabeele,Maxamed Cali Caadle,Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan, Madaxweyne ku Xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeele Cali Cabdullaahi Xuseen(Caliguudlaawe) Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Soomaaliya iyo tan dowlad doboleedka Hirshabeele iyo marti sharaf kale .

Tartanka Doorashada Guddoomiyaha Degmada Warsheekh ayaa Waxaa ku Tartamay labo Musharax oo kala ahaa Axmed Xuseen Axmed shiidka oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Degmada Warsheekh iyo Xasan Maxamed Axmed,waxaana looga guuleystay Axmed Shiidka 17 cod,waxuuna guddoomiyihii hore Axmed Shiidka uu helay afar cod sidaasi ayaa waxaa Guddoomiyaha cusub Degmada Warsheekh loogu Doortay guddoomiyaha degmada Warsheekh Xasan Maxamed Axmed.

Guddoomiyahii Hore ee Degmada Warsheehk Axmed Xusen Axmed shiidka ayaa aqbalay Natiijada tartanka doorashada,isagoo u hambalyeyey guddoomiyaha cusub ee xilkaasi loo doortay.

Agaasimaha Waaxda Dowladda Hoose Yaxye Cumar Xirsi, Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Hir shabeele Maxamed Cali Caadle ayaa ku ammaanay guddiga doorashada iyo bulshada deegaanka sida ay iskula jaanqaadeen,iyagoo bogaadiyay doorashadasi.
Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Dowlad Goboleedka Hirshabeele Cali C/llaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa kula dardaarmay gudoomiyaha cusub in uu dardar galiyo horumarka degmada warsheekh.

“Guddoonkii hore ee talada hayaya la shaqeeya ragan cusub,si maslaxada deegaanka kujirto,mas’uuliyad ayaa idin saaran,waxaad kamid tihiin Golihii deegaanka,waxaad kamid tihiin dadkii deegaanka marka waxaa la idinka rabaa in aad la shaqeysaan maamulka cusub”. Ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Wasaaradad Arrimaha gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii hoos loogu daa dejin lahaa dhismayaasha golayaasha deegaanak ee gobolada dalka,taasi oo sahlaysa in mustaqbalka la helo hanaan fudud oo dadku ay kaga qeybgali karaan doorashooyinka guud ee dalka.

Previous Post

Waddama Yurub ka tirsan oo oggolaaday qaabilidda muhaajiriin badda ku go’doonsanaa

Next Post

Howlgal lagu soo qabtay Maleeshiyaad iyo Horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab oo laga sameeyay Geddo.

Next Post
Howlgal lagu soo qabtay Maleeshiyaad iyo Horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab oo laga sameeyay Geddo.

Howlgal lagu soo qabtay Maleeshiyaad iyo Horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab oo laga sameeyay Geddo.

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In