Guddoomiyaha hay’adda Waddooyinka Puntlnad oo Warysi gaar ah siiyey warbaahinta Qaranka ayaa sheegey dayactirka dhismaha wadadda isku xirta Gaalkacyo iyo Garoowe oo meel Wanaagsan mareyso.
Guddoomiyaha ayaa sheegey iney dhiiragelinayso dhammaan shirkada arrimaha dhismaha waddooyinka ka shaqeysa ayna dhiiragelinaayo diyarna ay u tahay,iney qandaraasyo siiso si aan loogu baahnaanin shirkadaha Ajaanibta ah si awoodooda ay u dhisto si ay ugu filnaadaan shaqooyinka qandaraasyada ay siineyso hay’adda.
Guddoomiyaha Cabdifitaax Sugule ayaa ka Codsadey dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu ahmiyad gaar ah siiyo sidii loo dayactiri lahaa burburka Waddooyinka.
Ugu dambeyn guddoomiye Cabdifitaax Sugule guddoomiyaha hay’adda waddooyinka Puntlnad ayaa ugu dambeyn ka codsadey shacabka iney siday doonaan u isticmaalin Waddooyinka.