Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhismaha waddo isku xirta Eyl iyo Dongorayo oo laga hadlay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Dhismaha waddo isku xirta Eyl iyo Dongorayo oo laga hadlay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan oo looga hadlayay dhismaha Waddo isku xirta deegaanada Eyl iyo Dongorayo ayaa lagu qabtay xarunta dowladda hoose ee degmada Eyl, Waxaana kulankan ka qayb-galay qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanadaas.

Xubnaha kulankan joogay waxaa kamid ahaa duqa degmada Eyl Muuse Cismaan Yuusuf, guddoomiyaha guddiga dhaqaale ururinta wadadaas  Aadan Maxamed Ciise Gaadaale, guddoomiye ku xigeenka hay’adda waddooyinka ee deegaannada Puntland Maxamuud Cali Gurey iyo Xildhibaanno ka tirsan barlamaanka maamulkaasi, kaasi o diiradda lagu saaray sidii bulshada deegaannadaasi ay uga qeyb qaadan lahaayeen dhismaha jidkan oo la sheegay in uu muhiim u yahay isku xirka dadka iyo gaadiidka, waxaana goob joog ka ahaa qaar ka mid ah ganacstada gobolka Nugaal.

Related posts

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026

“Baahida shacabka halkan ku nool kow iyo labo ayey ka tahay dhismaha wadada Eyl soo gasha, waadna la socotaan in 30-km oo ka mid ah jidkan uu yahay dhagax iyo Jay ay dadku dhibaato ku qabaan” ayuu yiri duqa degmada Eyl Muuse Cismaan .

Guddoomiyaha guddiga dhaqaale ururinta wadada Eyl iyo Dongorayo Aadan Maxamed (Gaadaale ) ayaa ka dalbaday bulshada in ay ka qayb-galaan dhismaha wadadan.

“Socdaalkii aan ku soo marnay ,Qarxis ,Dongorayo iyo Eyl waxa ay tahay sidii aan bulshada u fahan-siin lahayn muhiimadda uu jidkan u leeyahay bulshada iyo sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen dhismihiisa” ayuu yiri Gadaale.

Xildhibaan Cabdisalaan Xuseen Bootaan oo ka mid ah mudanayaasha barlamaanka Puntland ayaa isna sheegay in dowladda ay ku cadaadinayaan sidii kaalin muuqata ay uga qaadan lahayd dhismaha jidkan oo muddo laga arinsanayay.

Ugu dambeyn, qaar ka mid ah dadkii ka soo qayb-galay kulanka ayaa dhismaha wadada ugu deeqay lacago ,boosas iyo waliba xoolo nool, iyadoo qaar ka mid ah shirkadaha ka howlgala Puntland ee xafiisyada kuleh Eyl loogu baaqay in ay ka qayb-galaan dhismaha jidka.
sawir 1 sawir 2 sawir 3 sawir 4 sawir 5 sawir 8 sawir 9 sawir 10 sawirka 6 sawirka 7

Previous Post

R/wasaare ku xigeenka oo maanta qaabilay wafdi ka socday Midowga Yurub “Sawirro”

Next Post

Madaxweynaha J. F. S. oo kulamo la qaatay waxgaradka iyo bulshada degmada Diinsoor

Next Post
Madaxweynaha J. F. S. oo kulamo la qaatay waxgaradka iyo bulshada degmada Diinsoor

Madaxweynaha J. F. S. oo kulamo la qaatay waxgaradka iyo bulshada degmada Diinsoor

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In