Sunday, July 3, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha J. F. S. oo kulamo la qaatay waxgaradka iyo bulshada degmada Diinsoor

August 26, 2015
in Wararka
0
Madaxweynaha J. F. S. oo kulamo la qaatay waxgaradka iyo bulshada degmada Diinsoor
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feeraalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta gaaray magaalada Diinsoor ee gobolka Baay, ayaa kulamo kala duwan la qaatay saraakiisha ciidamada qalabka sida, kuwa AMISOM. waxgaradka iyo bulshada ku nool degmadaasi.

Madaxweynaha ayaa markii uu gaaray degmada Diinsoor waxa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Diinsoor, waxaana sidoo kale madaxweynaha halkaasi si diirran ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka Koofur galbeed oo uu horkacayay madaxweynaha maamulkaasi mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Related posts

Fanaannad Qaran Khadra Daahir Cige oo ku geeriyootay Hargeysa

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

July 2, 2022
Wasiirka Warfaafinta oo shacabka iyo bahda fanka uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

Wasiirka Warfaafinta oo shacabka iyo bahda fanka uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

July 2, 2022

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulamo la qaatay odayaasha dhaqanka, waxgaradka kala duwan iyo qeybaha bulshada ku nool degmadaasi Diinsoor, wuxuuna ballan qaaday in dowladda Federeelka ay gacan ka geeysaneyso dib usoo nooleeynta adeegyadii bulshada ee degmada Diinsoor.

Sidoo kale madaxweynaha waxaa uu kulamo la qaatay saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo kuwa AMISOM ee fariisimaha ku leh degmadaasi, wuxuuna ku amaanay dadaalka ay ugu jiraan sidii cadowga Shabaab looga xoreyn lahaa dhamaan dalkeenna oo dhan.

Madaxweynaha ayaa gelinkii dambe ee maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM ayaa dhawaan degmada Diinsoor ka xoreeyay maleeshiyaadka Shabaab oo muddo Siddeed sano ah dhibaatooyin joogta ah ku hayay shacabka ku nool degmadaasi, waana degmadii ugu dambeeysay ee ka tirsan gobolka Baay oo laga xoreeyo Shabaab.

 

Previous Post

Dhismaha waddo isku xirta Eyl iyo Dongorayo oo laga hadlay “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Fanaannad Qaran Khadra Daahir Cige oo ku geeriyootay Hargeysa

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

July 2, 2022
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida ku timid Marxuum Khadra Daahir...

Wasiirka Warfaafinta oo shacabka iyo bahda fanka uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

Wasiirka Warfaafinta oo shacabka iyo bahda fanka uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

July 2, 2022
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo Bahda Faniinta uga tacsiyadeeyay geerida...

Fanaannad Qaran Khadra Daahir Cige oo ku geeriyootay Hargeysa

Fanaannad Qaran Khadra Daahir Cige oo ku geeriyootay Hargeysa

July 2, 2022
0

Allaha u naxariistee Fanaannad Qaran Khadra Daahir CIge ayaa caawa ku geeriyootay magaalada Hargeysa kaddib xanuun maalmahan hayay. Maxamed Xasan...

Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka oo tababarr u soo xirey qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda

Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka oo tababarr u soo xirey qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda

July 2, 2022
0

Waxaa maanta Dugsiga Maareynta iyo Maamulka Guud (School of Management and Public Administration) ee Jaamacadda Ummadda si habsami leh ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In