Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhul gariir waxyeelo ba’an geystay oo Indonesia ka dhacay

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Dhul gariir waxyeelo ba’an geystay oo Indonesia ka dhacay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ugu yeraam 10 ruux ayaa ku dhimatay dhul gariir xoogan oo ku dhuftay jaziirad caan ku ah dalxiika oo ku taala wadanka Indonesia.

Dhul gariirkan oo cabirkiisu yahay 6.4 magnitude oo ah hal beega dhul gariirada ayaa ka dhacay jaziirada Lombok oo dhacda bartamaha wadankaas subaxnimadii hore maanta oo Axad ah.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Jaziirada uu ka dhacay dhul ruxanka ayaa ah meel si weyn u soo jiidata dalxiisiyaasha caalamka, waxaynaย  qiyaastii 40km dhanka bari ka xigtaa jaziirada kale ee caanka ah ee Bali.

Dhismiyaal badan ayaa burburey, iyadoo daraasiin dad ah dhaawacyo soo gaartay, sida saraakiisha deegaanka laga soo xigtay.

Hey’adda Mareykan ah ee ka faaloota arrimaha dhul gariirada ayaa sheegtay in xudunta dhul gariirkan ay tahay meel 50km u jirta magaalada Mataram oo ku taala waqooyi beri ee Jaziirada Lombok.

Sidoo kale, waxaa la soo wariyay in dhul gariir ka yar uu ka dhacay qeybo kale eeย  wadanka Indonesia.

Ku dhowaad 40 ruux ayaa dhaawacantay halka daraasiin guriyo ah ay burbureen, sida uu sheegay ย Sutopo Purwo Nugroho, oo ah afhayeenka hey’adda maareynta musiibooyinka wadankaas.

“Waan qiyaasaynaa tirada waxyeelada, waxaana laga yaabaa in ay sii kororto waayo tirada si sax ah looma aruurin,”ย  ayuu yiri.

“Shaqada ugu weyn waa in la soo daad gureeyo dadka si loo badbaadiyo. Qaar kamid ah dadkii dhaawacmay ayaa lagu daweynayaa xarumaha caafimaadka.”

Muuqaalo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya burburka guriyaha iyo qashin badan oo daadsan waddooyinka.

Dalka Indonesia waa meel u nugul dhul gariirada maadaama ay tahay dhul fidsan isla markaana ay ku wareegsan tahay Badda Pacific, taasi ayaana keenta in si joogto ah ay ugu dhacaan dhul gariirada, qaraxa Fulkaanooyinka.

Previous Post

Duqa Muqdisho โ€œWaxaan beegsanaynaa sidii aan kor ugu qaadi lahayn fursadaha waxbarashada Gobolka Banaadirโ€

Next Post

Soomaaliya iyo Ereteriya oo ka wada hadlay iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka

Next Post
Soomaaliya iyo Ereteriya oo ka wada hadlay iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka

Soomaaliya iyo Ereteriya oo ka wada hadlay iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

October 25, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hayโ€™adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hayโ€™adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In