Dhul gariir ayaa ka dhacay lix gobol oo ka mid ah dalka Ecuador iyadoo ay socdaan howlo loogu gurmanayo dadka ku waxyeeloobay basiibadaasi.
Madaxweyne ku xigeenka Ecuador ayaa sheegay in ugu yaraan 28 qof ay dhulgariirka ku dhinteen iyadoo Saraakiisha dowladda ee dalkaasi ay tilmaameen in burbur lixaad leh uu geystay dhulgariirka.
Dhulgariirka cabirkiisa ayaa lagu qiyaasay 7.8 wuxuuna ku dhuftay xeebaha dalka Ecuador,Xudunta dhul garirka ayaa ahyd dhanka xeebto oo uu dhow goob ay ku badanyihin dalxisayaasha, iyo kalluumeysatada.
Halka uu dhulgariiriku ka bilowday ayaa casimadda Quito u jirta 170-kilo-mitir waxa uuna socdaay muddo ku dhow 40-ilbiriqsi waxaana go’ay korontada qeybo ka mid ah caasimadda iyo khadadka telefonada.
Xaruunta digninada dhulgarirka ee Pacif-ka ayaa horay uga digay mowjadaha dhulgarirka sunaami in ay ka dhici karaan xeebaha Ecuador.